HALKAN Ka Daawo Sawirrada: Wasiir Xirsi Iyo wefti Uu Hor-kacayao Oo Lagu Soo Dhaweeyey Garoonka Washington DC

0
37

DAAWO SAWIRRADA: Weftiga waxa Xubno Ka ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax

 

Washington (Hubaal)- Waftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa gaadhay Caasimadda waddanka Maraykanka ee Washington DC, waftigan oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabilay) iyo Marwo Sacdiya oo ka tirsan guddida qaran ee dhismaha wadada Ceerigaabo.

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, Guddoomiyaha Jaaliyada Washington Xaashi Ismaciil iyo dad weyne  ka tirsan Jaaliyada Somaliland.

Waftigii XirsiWaftiga oo garoonka lagaga soo galbiyay gawaadhida martida waxaa la dajiyay goobihii loo sii diyaariyay iyadoo marti-qaad koodana ay ka mid ahayd  qado sharaf madaama ay ku beegmeen xiligii qadada taasi oo loogu sii talo galay,  Safiirka Somaliland ee waddanka Maraykanka Rashiid Gaaruf oo ka hadlay socdaalka Waftiga wuxuu sheegay inay jaaliyadaha kala qayb gali doonaan xusaska munaasibada qaran ee 18 May. Wasiirka Madaxtooyada Xirisi Cali Xaji Xasan oo isna geestiisa ka hadlay ayaa u mahad-naqay dadkii ku soo dhaweeyay Magaaladda Washington DC, isagoo ugu bushareeyay inay munaasibada qaranka la ciidi doonaan. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay waftigu ka qayb galaan munaasibado kala duwan oo kuwaas oo lagu kala qaban-doono magaaloyin kala duwan oo ku kala yaala waddamada waqooyiga Ameerika.

Hubaal Media News Desk

Hargeysa, Somaliland

00088

00009

10382562_10152406835378535_394580289240072908_o

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here