Hargeysa (Hubaal)- 130 arday oo isugu jira shaqaale dawladeed iyo kuwa shirkaddaha madaxa banaan ayaa maanta Ka qalin jabisay machadka shaqaalaha dawladda, waxaanay muddo sadex sano ah baranayeen culuunta xisaabaadka, maamulka iyo maareynta iyo dhaqaalaha.
Guddoomiyaha machadka CSI ayaa munaasibada qalin jabinta ka sheegay in uu machadku ardaydan siiyey waxbarasho tayo leh, isla markaana uu xidhiidho caalami ah la sameeyey hay’ado caalami ah, waxaanu. Mahadnaq balaadhan ujeediyey Wasiirka maaliyadda, Wasiirka arrimaha gudaha, madaxtooyadda iyo Madaxweynaha iyo ku-xigeenka oo uu ku amaanay taageerada ay siiyaan machadka. Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dawladda Nuux sheex muuse ducaale ayaa isna sheegay ardayda machadka shaqaalaha dawladdu inay yihiin kuwa ugu sareeya ardayda hesha waxbarashada dibadeed.
Haddaba Si Aad U Daawoto SAwirro Bilicsan Oo Aad U Badan Oo Ku SAabsan XAfladdii Qalinjebinta Ardayda CSI-da oo Maansoor Hotel lagu Qabtay, Fadlan Guji Sawirkan Hoose