Xuska Dhalashada Nebigeenii Suubannaa ee Muxamad NNKH ayaa si weyn looga oogay meelo badan oo ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo inta badan masaajidada lagu soo bandhigay Siiradii rasuulka, halka goobaha kalena lagu soo bandhigay qasiidooyin iyo nebi ammaano ka hadlaya taariikhdii wanaagsanayd ee Rasuulka Muxamed Bin Cabdilaahi Bin Cabdilmudalib NNKH.
Magaalooyinka Laascaanood, Berbera, Balligubadle, Arabsiyo iyo Caasimadda hargaysa ayaa weriyayasha kala duwan ee Wakaaladda wararku waxa ay ka soo direen warar ku saabsan Xuskii loo sameeyey Dhalashadii rasuulka NNKH.