“Annaga Nalooma Dooran Siyaasadda Inaanu Faro-gelinno Ee Annaga Oo Eegayna Inaan [Beesha] Magac Xumo raacin, Waxaanu Leenahay Ma Jirto Cid Aanu Cod Ku Dooranay…“…..Waxaanu Ugu Baaqaynaa Gaws-dambeedka Sacad Muuse Inay Maanta Badbaadiyaan Beesha””
Hargaysa(Hubaal)- Hoggaankii iyo Guddidii Hal-doorka Ahayd Ee Shir-guddoominayay Shirkii HOODAALE ee Beelaha Sacad Ku Qabsadeen Deegaanka Agabar ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay Warar Warbaahinta la soo galiyey oo sheegay in ay shalay isku raaceen in uu Musharraxa Madaxweynaha Ee Beeshoodu yahay Muuse Biixi Cabdi.
Guddidan oo manta shir jaraa’id Hargeysa ku qabtay waxa ay sheegeen in hawshii loo xilsaaray ahayd Horumarinta beesha Balse aanay aan loo diran Siyaasada in ay faro galiyaan, iyaga oo sheegay in Saddexda musharrax ee beesha Sacad Muuse ay u siman yihiin kuwaasi oo kala ah Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed biixi, iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Waxa ay sheegeen inaanay Waxba Ka jirin Go’aanka Halkaas laga yeedhiyay waxaana ay Bayaamiyeen inaan Siyaasada Loo diran. Ugu Horayn Shirkaas Jaraa’id waxa ka hadlay Abshir Maxamed Warsame waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.
“Intayadan Runtii waxa Na Kulmisay gaarna Aanu iskugu Soo Raacnay waxaanu Nahay Gudidii Diiday Arinkii jujuubka Ahaa ee Dhalinyarada Dhabarka Lasoo taabtay Ee Lagu Doonayay in Loogu Codeeyo Saddexda Musharaxa ee beesha Sacad muuse Leedahay,Waanu ka Dareernay Annaga oo eegayna inaanay Magac Xumo Naga Raacin, Anaga waxa Naloo Dirtay Horumarin Lakiin Nalooma Diran Siyaasada Inaanu Faro galino,Waxaanu Baaq u diraynaa Gows Danbeedka beesha Sacad muuse, Salaadiinta Wax garadka waxaanu leenahay Maanta Bad-baadiya Beesha Cid Aanu Anagu ku dooranay Codna majirto.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu raaciyay “Waxaan Nahay Gudidii Lagu Soo Doortay Shirkii Hoodaale waxaana Nasoo Doortay Todoba Boqol iyo Konto Nin ayaa Nadoortay,anaga waxa nalagu soo magacaabay oo Nalagu Soo doortay Horumarinta,Reerku Saddex Siyaasi ayay Leeyihiin Iyagu Ma kala Saari Karaan ee Lakiin waxa kala saraari Kara Xisbiga Kulmiye ee ay ka tirsan Yihiin,Lakiin Cod kasaa la galiyay Anagu Ma ogolin Mana Aqbalayno Cid Dhabarka Lasoo taabtay in ay Kala jabiso Beesha Sacad Muuse,Muuse biixi samaale iyo Maxamed Yoonis ukala Eexan Mayno Maanta,Lakiin Cod kaas la galiyay Magaca Beeshu wuu ku dhintay Gudidayadina Siyaasada Ayay isku badashay.
Dr Axmed Cabdi oo isna Shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa ka biyo Diiday Go’aan uu ku sheegay inuu Qalaf ku jiro oo Raga Dano kale leh isku Dilayaan Saddexda Siyaasi ee hanka Madaxwayne Leh,waxana uu intaas raaciyay in Go’aanka Xalay Lasoo saaray aanay Waxba Ka jirin.
“Markaanu Aragnay inaan waxbaa Dhag Loo dhigayn,Markaanu Aragnay in Dad Dano Gaar ahi Jujuub wax ku doonayaan,Wixii war Baahinta La galiyay ee lagu sheegayay in Hebel intaas u codaysay Hebelna intaasi diiday waa been Cad Cid codaysay Majirto,Waxaanu leenahay Odoyaasha beesha hadii la doonayo inuu shirkaasi sii noolaado Hala dhex galo Gudida Beesha,Wixii ay gudidu Soo saartayna Cafis buuxa haka Keento.
Sheekh Maxamed Aadan oo isna ka mid ah Culmida waawayn ee Somaliland kana Mid Ah gudida Horumarinta Beesha Sacad muuse ayaa ka dhawaajiyay Ero waanooyin Ee Nasteexaynu ugu jirto Gudida Beesha waxaana uu ku dhiiri galiyay in ay Faraha Ka qadaan Siyaasadan ay Gacanta kula Jiraan.
Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali yaa isna iftiimiyay Go’aanka Ay yeedhiyeen Qaar ka mid ah Gudida Inaanay ahayn Mid aan loo dhamayn Waxaana uu yidhi.
“Gudidi ahaan Arinka La leeyahay Muuse Biixi ayaad Codka siiseen Mid Anag Hortu Gudi Ahaan Naga Soo goy Muu Ahayn Lakiin waxa uu ahaa Arin Hoosta Nalaga Soo galiyay oo Nalagu Dhex Tuuray,Intayadan Halkan Fadhida Iyo in Kale oo Maqan waxaanu Runtii Arinka Lagu Dhawaaqay u arkaynay Mid Fool Xun,Waxa kal Sooni ah oo ay Saddexda Masuul soo bandhigeen Mayjirin,waana wax cid walba ka xumaatay sida loo maamulay.
Cumar Boobe oo ka mid ah Gudida Beesha Sacad Muuse ayaa isna Sheegay in Guddoomiyaha Gudidu Shirka Xidhay Dhawr Jeeray isla markaas Jujuub lagag dhigay Sida uu sheegay Go’aan Ay doonayeen Gudida Qaar ka tirsan oo la safan Sida uu cadeeyey Muuse biixi cabdi waxaana uu yidhi.
“Anigu waxaan leeyahay wax kasta wax wanaagsan isku Tanaasul iyo isku Soo dhawaansho,Aniguna ka tanaasuli Maayo inaan ka hadho inaan markasta isku soo dhaweeyo Gudida beesha saalaadiinta Iyo Cuqaasha Beesha Waxaanan Leeyahay Shanta Sano ee Madaxwayne Siilaanyo Aynu u dhamayno Keena Danbena Aynu Talo Qaran ka yeelano.
Sheekh Almis Xaaji Yaxye Ibraahim Oo isna ka mid ah Gudida Beesha Sacad muuse ayaa Go’aan Adag iska Taagay Hadalo Shalay Warbaahinta la Galiyay oo sheegaya in ay Gudida Beesha Talo ku gaadhay in Musharaxa laga dhigo Muuse biixi waxaanu uu sheegay inaanu ahayn Go’aan loo dhan yahay. Hadalkan Kasoo yeedhay Gudida Beesha ee sheegaya in ay ka biyo Diideen Go’aanka Ay gaadheen Gidi ka mid ahi.