Muqdisho (Hubaal) – Kooxda fannaaniinta Xidigaha Geeska ayaa habeenkii ciiddii xalay Magaalada Muqdisho ku qabtey bandhig-faneed qurux badan oo ay daawashadiisa ka qayb galeen kumanaan qof oo dhallinyaro u badan, kuwaasi oo buuxiyey Masraxa.
Masraxa Markii ay soo fooleen fanaaniinta kala ah Cabdiraxmaan Oday, Maxamed Bakaal Cirro, Xamda Qu’een, Dayax Dal Nuurshe, Nimcaan Cabdiraxmaan Hillaac ayaa waxaa isbeddelay jawiga goobta, waxaaa sacab iyo qaylo isla oogsaday dadweynihii ka qayb-galay bandhiggaasi.
Xidigaha Geeska oo ruxay Quluubta Reer Muqdisho SAWIRRO: Xidigaha Geeska oo ruxay Quluubta Reer Muqdisho SAWIRRO: Xidigaha Geeska oo ruxay Quluubta Reer Muqdisho.
Waxaana markaasi ka dib kooxda Xidiguhu bilaabeen inay dadweynaha dhagahooda Maqashiiyaan heesaha ay caanka ku yihiin, kuwaasi oo mid mid iyo laba laba u qaaday heeso qanciyey guud ahaa daawadayaasha, sida ay baahisay Radio Muqdisho.