Fanaanadda Caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ah fanaaniinta loogu jecel yahay uguna codka macaan hobolladii Waaberi, ayaa Wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo Wariye Cumar Seerbiya kula yeeshay magaalada Hargeysa kaga warrantay Taariikh nololeedkeeda, wakhtigii ay Fanka Bilowday iyo Waayihii ay Fanka Soomaaliyeed ka soo qaadatay.
Sahra Axmed Jaamac oo wakhtigan ku nool magaalada Hargeya, waxa ay sheegtay inay markii ugu horeysay Masrax laga heeso soo istaagtay sannadkii 1969-kii wakhtigaas oo ay ka qayb-qaadatay Riwaayaddeedii ugu horeysay ee ay ka qayb-gasho.