Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye muuse biixi Cabdi iyo Xildhibaan rayte oo ka tirsan xisbiga wadani ayaa isku laayey sababta xukuumaddu ciidanka rru-da u dul dhigtay hotelka hido-dhar, halkaasoo ay Sahra halgan doonaysay inay xud ugu samayso xuska 17-ka oo ah maalinta shuhadada snm. Dad goob joog u ahaa gacan qaadka dhex maray muuse iyo rayte ayaa sheegay in uu ka dhashay is maandhaaf iyo hadalo taag taagmay oo ay kaftan ahaan isugu tuur tuureen, kaasoo ka dhashay Sahra halgan iyo xuska snm. Ilo wareedyo aanu ka helnay dhacdadan ayaa sheegay in Xildhibaan rayte ku dhuftay muuse biixi koob horyaalay kadib markii muuse biixi taageeray talaabada ciidanka rru-du ku xidhay hotelka sahra halgan. Sidoo kale waxa ay isku khilaafeen cida amarka bixisay iyo sheegashada halgankii snm oo uu rayte ku tiraabay in aanu muuse ka lahayn dadkii soo halgamay sida sahra halgan oo kale.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN HALKAN KA DAAWO: Xildhibaan Reyte Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Isku Gacan...