HALKAN KA DAAWO+AKHRISO: Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Cambaareeyey Xasuuqa Dhulka Falastiin, Hab-dhaqanka Mucaaridka Somaliland-na Dhaliilay

0
29

Hargeysa (Hubaal) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad u jeediyay dadweynaha Magaalada Hargeysa oo uu salaaddii Ciidda kula tukaday Masjid Jaamaca Hargeysa.

Madaxwayne ku xigeenku waxa uu ka hadlay qaranimada Somaliland, isaga oo xusay in qarankani yahay mid cagihiisa isku taagay “Muddo 23 sanadood ah ayuu qarankani soo jiray dedaal adag ayuu soo galay, gacmihiisana wuu isku taagay isaga oo aan wax taageero ah ka helin caalamka, walina waxa inoo dhiman waddo dheer oo ah himilada aynu higsanayno ee ah inaynu gaadhno qaran madax banaan, taasina waxay ku imanaysaa dedaal dheer, wada jirkeena, wax wada qabsigeena iyo  inaga oo dhinac u wada jeedsana” ayuu yidhi, Md. Saylici.

1(187)-tile

Waxaanu intaas ku daray oo uu farriin u diray axsaabta Mucaaradka ah “Waxaan leeyahay xisbiyada mucaaridka ah, ilaahay waxa uu inoo sameeyey iimaam haddii ay wax ka qaldamaana waxa la inoo jideeyey edaab aynu ku saxno oo subxaana laah ayaa la yidhaahdaa, bani-aadamka inta hawsha haysaa qabyo way jiri, dhaliili way jiri, qof hawl hayaana wax way ka qaldani doonaan, laakiin edaabta toosinta yaan laga tagin oo subxaana laah ha lagu adkaado oo mucaaridnimadu yaanay inaga noqon in wixii kor loo qaadaba la mucaarido.”

Dhinaca kale  Madaxwayne ku xigeenku waxa uu  ka hadlay xasuuqa Ciidamadda dawladda Yuhuuddu ku hayso dadka Muslimka ah ee Qasa.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, ayaa ku baaqay in xasuuqa laga daayo dadka maatida ah ee reer Falastiin, isaga oo soo jeediyay inay muhiim tahay in dadka reer Falastiin lala dareemo dhibaatada haysata.  “Sida aynu la socono shacabka reer falastiin oo dad muslimiin ah waxa ku socda xasuuq, waxaanu aad u canbaaraynaynaa falalka ay yuhuuddu kula kacayso shacabka reer Falastiin”

Madaxwayne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay “Waxaynu nahay dad Muslimiin ah, waxaa inagu waajib ah inaynu dhibaatada la dareeno. Waa dad muslimiin ah oo walaalaheen ah, waynu u ducaynaynaa in Illaahay dhibaatada ka dul qaado” ayuu yidhi Saylici, waxaanu intaasi raaciyey “Waxaan leenahay dadka  maatida aan waxba galabsan ee lagu garaacayo diyaaradaha iyo debaabadaha  ha laga daayo, waanan ka soo hor jeednaa, waxaanan leenahay ha laga daayo dadka maatida ah dilka foosha xun ee loo gaysanayo”. Md. Saylici, waxa uu baaq u diray beesha caalamka “Beesha caalamka waxaanu leenahay yaan la iska indho tirin dulmiga  socda ee umada reer falastiin lagu hayo”ayuu raaciyey hadalkiisa.

1(187)-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here