Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan Ku-xigeenkiisa, Cabdiraxmaan Saylici, Marwadiisa Amina waris, Wasiirka Waxbarashada Sam-sam Cabdi Aadan iyo masuuliyiin kale ayaa booqasho gurro-gal ah ku tegay dhismaha cusub ee Wasaaradda Tacliinta loo dhisay.
Ma jiro war rasmiya oo Madaxtooyadu ka soo saartay socodkan caweysinka ah ee Madaxweynaha iyo xubnaha la socdaa ku tageen Xafiisayda xidhan ee Dawladda, hase ahaatee Muuqaal laga baahiyay Telefishanada niskii dambe ee caawa ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu kormeeray qaybaha kala duwan ee xafiisyada Wasaarrada Tacliinta.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici ayaa ku lebisnaa xilliga ay tabashlaha ku jireen Go’ shaal ah iyo Macawis, halka Saylici Khamiis iyo go ku lebisnaa , sida ka muuqatay Muuqaalka laga baahiyay.
Halkan ka Daawo: