Halkan Ka Dhageyso + Akhri: Xildhibaan Rayte Oo Sheegay in Xukuumaddu Ay La Wareegtay Hawshii Golaha Sharci Dejinta

0
29

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha guddaha iyo difaaca ee golaha wakiilada xildhibaan Rayte ayaa ka hadlay xeer uu madaxweyne Siilaanyo habeen hore digreeto ku soo saaray oo uu dhaqan geliyay. Xeerkaasi oo ahaa xeer nidaamiye dhaqan gelinaya xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

xildhibaan rayte.jpgXildhibaan Rayte waxa uu sheegay haba yaraatee xeerkani aanu soo marin golaha sharci dejinta, sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxweynuhu uu baal maray sharciga iyo nidaamka dastuuriga ah ee qaranka u yaalay, waxaana uu ku tilmaamay in madaxtooyadu ay la wareegtay hawshii uu golaha sharci dejinta u hayey qarankan.

Xildhibaan Rayte waxa uu sidoo kale ka hadlay wadahadalada u dhexeeyaya dawladda Somalia iyo dawladda Somaliland, waxaana uu sheegay in madmadow badani uu ku jiro wadahadaladaas

Hadalada xildhibaanka waxa ka mid ahaa “ waxaan ku tilmaami karaa nasiib daro in maanta ay madaxtooyadu la wareegto hawshii golaha sharci dejinta” Rayte

“ Annigu runtii madmadow aad u badanbaan ku arkaa wadahadalada Somalia iyo Somaliland,waxaan arkaa inaan daah furnaan jirin, waxaan arkaa in haddii ay tahay golaha iyo haddii ay tahay shacabkaba inaan looga xog waramin waxa ka socda ama ujeedooyinka laga leeyahay wada hadaladaas” Rayte

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here