Halkay Ku Danbaysay Guddidii Maamul Wanaaga Iyo La-Dagaalanka Musuqmaasaqu?-W/Q:-Deeq C/Laahi Cawaale

0
39

Dabagalka iyo la xisaabtanka masuuliyiinta haya xilalka qaran waxay astaan u tahay maamulka wanaagna iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee ka bulsho waxanay keentaa in qofkasta oo xil qabtaa is dhawro isna ilaaliyo kuna dadaalo transparent iyo maamul wanaag iyo in uu ogaado in ay jirto ilaahy ka sakaw cid la xisaabtami doonto taariikhduna ay qori doonto wixii uu ka tagay intii uu xilka hayay,

deeq cabdilaahi cawaaleHadaba hadaan u soo noqdo dalkeena somaliland sida aanay xukuumadihii talada dalka u Kala danbeeyay aanay marnaba hirgalin nidaam adag oo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dabalka masuuliyiinta haya xilalka qaran iyo abaal marinta cida u qabata shaqo wanaagsan qarankan.

Hadana hadan eegno ama dul istaagno wadankeena s.land gaar ahaan inta ku garaadsatay somalilandnimada ee aan ka mid ahay waxaad moodaa inaan nasiib u helin cId u tababarta Ama u jeexda dariiq toosan oo cadaaladeed iyo nidaam adag oo lagula dagaalamo musuqmaasuqa iyo la xisaabtan buuxa oo la dhiso laguna tababaro da`Yarta soo koraysa ee dalka.

Iyadoo taas lidkeeda aany jirin oo waxaad arkaysaa kii shalay xilka hayay ee wuxuu doono sameeyay oo hadana maanta raba inuu xil qabto oo aanay jirin cid odhanaysa waar sawdigii shalay wax qaribay ama maxaad qabatay shalay markaad xilka haysay ee aad maanta keeni karta ama nin 20sano xil qaran hayay oo wuxuu doono sameeyay oo aanay cidi odhan maxaad dadka iyo u qabatay maxaadse lunsatay waxad arkaysa nin shalay aan waxba hayn oo maanta marka xil loo dhiibo buuxa hanti badana haysta oo aanay cidi odhan karin xagaad ka keentay taasina waxay muujinaysaa la xisaabtan la’aanta masuuliyiinta dalka waxaanay muujinaysa dib u dhaca iyo in aan la kala garan qofkii waxa fiican dalka u qabtay iyo kii ka shaqaystay maadaaba aanay jirin cid cadaysa arintaas

Iyadoo aan oganahy inay jirtay gudi u xilsaan la dagaalanka masuqmaasuqa iyo mamul wanaga balse ilaa hada ma jirto wax cad oo ay bulshada u qabatay ama ay soo bandhigtay marka laga tago magacaga ay huwantay ee fican.waxan xasuusta maalin in meel isugu soo galay gudoomiyaha maamul wanaaga iyo masuqmaasuga in wiil dhalinyaro ah oo i agtaagnaa ku yidhi*{ ala waa gudoomiyihi masuqmaasuqa intoon aad u qoslay ayn ku idhi waar ka daa sidaas maahee waa gudoomiyha la dagaalanka musuqmasuqa iyo maamul wanaaga }taasi waxay muujinaysa in aanay jirin shaqo sax ah oo ay bulshada ku qabato marka laga tago magaca wanaagsan ee ay sidato.

iyadoo hada la Laga joogo ku dhawaad 5sano markii la aasaasay ama madaxweynuhu magacaabay gudidad maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa qaranka. Hadaba waxay bulshada s.land ee jecel horumarka dalku halka ay ku danbaysay gudidaasi iska daa waxay abated.iyadoo tariikhdu qori doonto cid kasta oo wadan ka si daacada ugu shaqaysay iyo cidii musuqmaasuqday hadana waxa nidaamka dawladnimada ka mida la xisabtan ka iyo dabagalka ka masuuliyiinta qaran dadkana loo cadeyo cida wax qabatay iyo cida wax musuqday si nimaamdka dawladimo u noqdo wax qiimo leh masuuliyintuna kugu tartamaan waxqabadka iyo horumarka ay ka sameeyeen xafiiska mudada ay joogaan balse hadii masuulkasta yiraahdo waxaas ayan qabtay iyadoo aanay jirin cid ka madaxbanaan oo soo eegtay wuxuu qabtay waxay noqonaysa sidii gabadhii arooskeeda ka mushxaraday.

waxaana loo baahan yahay in da’yarta soo koraysa loo jeexo cid qurux badan iyo nidaam hufan oo dawladnimo si 100sano ee soo socda u helno wado fiicn oo horumar lagana baxo nidaamkan hada ee l xisaabtam la’aanta .

W/Q:-Deeq C/laahi Cawaale

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here