Sicir bararka iyo Sarif bararka isbiirsaday oo dib u laba kacleeyay iyo boqolka doolar oo gaadhay 835.000 (SLSH)
Hay’adihii qaabilsanaa fulinta go’aamada dawladda ee baanka dhexe ugu horeeyo oo hurdo dheer galay
Hargeysa (Gudgude)-Dadweynaha reer Somaliland, ayaa wax iska weydiinaya sababta madhaleyska ka dhigay go’aamadii ay soo saareen Guddidii madaxweynaha Somaliland uu 3-dii Bishii December 2015-kii u xil saaray baadhista iyo ka soo tallo-bixinta sicir bararka dalka naafeeyay iyo waxa laamaha dawladda ee qaabilsanaa u fulin waayeen qaraarkii xakameynta sicir-bararka oo ahaa hindise Madaxweynuhu ummadiisa dooratay kaga helay taageero laxaadle.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa digreetadii uu ku magacaabay Guddidaas oo ka koobnayd shan xubnood oo madaxweyne Ku-xigeenku Guddoomiye u ahaa, waxa uu ku faray inay qaddiyaddaas si mug leh u baadhaan isla markaana keenaan xog uu ku go’aan qaato oo wax lagaga qabto sicir bararka maceeshadda iyo sarif bararka, waxaanu ku yidhi digreetadiisii; “Masuuliyadaha iyo waajibaadka muhiimka ah ee Xukuumadayda ka saaran xagga arrimaha dhaqaalaha dalka waxa ka mid ah la socodka qiimaha shilinka Somaliland iyo kolba heerka uu marayo sicirka suuqu (korodh iyo hoos u dhacba). Sida aad la wada socotaan, dalkeenna waxa ka jira sicir-barar ba’an oo saamayn toos ah ku yeeshay nolol maalmeedka bulsha weynta Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxa lagama maarmaan ah in arrintaa si qoto dheer loo soo baadho, looga soo war bixiyo isla markaana laga soo ururiyo xog waafi ah oo lagu go’aan qaato. Sidaa darteed, Guddi ahaan waxaan idin farayaa inaad xog buuxda iga soo siisaan sicir-bararka dalka ka jira, kana soo talo bixisaan wixii arrintaa lagu xallili karo.”
Guddidii arrintan loo saaray ee madaxweyne ku-xigeenku Hoggaaminayay waxa kale oo xubno ka ahaa, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (G/ku xigeen), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xilligaas ahaa Cali Maxamed Waran-cadde iyo Guddoomiyihii hore ee baanka dhexe Baanka Dhexe.
Go’aankaas madaxweynaha waxa xilligaas u riyaaqay danyarta iyo dabaqadaha hoose ee bulshada Somaliland, waxaanay u arkayeen inuu kaga damqaday culayska sicir-bararka iyo sarif bararka haysta ee aanay dunida kale la qabin.
21-kii January 2016-kii maalin Khamiis ahayd, waxay Guddidaasi soo saareen go’aamo ka koobnaa sagaal qoddob oo ay ugu weynaayeen kuwan hoos ku qorani:-
Lacagta Somaliland shillinka Somaliland inay noqoto mid dalka oo dhan ka socoto oo ka shaqaysa.
In lacagta S omaliland aanay ku xidhnaan lacagta doollarka ama lacag kale maadaama lacagta Somaliland ay tahay tiir kamida tiirarka ay qaranimada Somaliland ku taagan tahay.
In ciddii diida qaadashada lacagta Somaliland In la marin doono sharciga dalka.
In xal waara loo helo in sarifka Somaliland uu noqdo mid fadhiya.
In bartilmaameedka sarifka lacagta Somaliland uu noqdo mid lagu sarifo halka doollar lix kun oo shillin (1$- 6000 shilling).
In boqolka doIllar noqdo mid lagu sarifo lix boqol oo kun (100$ – 600,000)
Go’aankan ayaan tisqaadin, waxaanu shaqeeyay oo muddo bil ah oo halka doolar lagu kala sarifanayay qadarkii dawladdu u goysay, waxaanay sarrifleyaasha jaangooya sarifka lagaha qalaad ay si tartiib-tartiib ah u bilaabeen inay mar kale cirka ku shareeraan sarifka doolarka oo maceeshada daruuriga ahina ku xidhan tahay.Sidoo kalena, waxa aan waxba iska bedalin qiime dhaca lacagta Somaliland oo u muuqata mid lagu taseeyay dalkeedii hooyo.
Waxa xalay suuqyada Hargeysa gacanta hore Boqolka Doollar lagu kala sarifanayay 810.000 (SLSh), halka gacanta dambena lagu kala qaadanayay 835.000 (SLSH), waxa iyana la qaaliyoobay badeecadaha daruuriga ah. Sicir bararka iyo sarif bararka laba kacleeyay, waxa sabab u ah laamihii dawladda ee Baanka dhexe u horeeyo ee qaabilsanaa fulinta go’aankaas ayaa ka seexday isla markaana dayacay masuuliyadoodii. waxaanay ayaan darro ku noqonaysaa madaxweynihii himillada togan la yimid ee dedaalka u galay inuu bulshadiisa ka dulqaado culayska iyo dhibaatooyinka nololeed.
Dhibaatooyinka shacabka Somaliland la nool yihiin, waxa ka mid ah lacagaha electarooniga ah mobile-ka la iskaga diro ee ZAAD iyo E-DAHAB. shirkadaha adeegyadan sameystay ayaa kaalinta ugu weyn ku leh sicirbararka iyo qiime dhaca lacagta Somaliland. waxay labadaas shirkadood dalka ka urursadeen xadiga ugu badan ee lacagtii adkayd ee wadanka ku dhex wareegi lahayd. Waxay haddana ku darsadeen lacagtii xawaaladaha ee dadka dibadda looga soo dirayay oo ayay ka dhigeen inay ku diraan ZAAD iyo E-DAHAB, taasina waxay hoos u dhigtay doollarkii dalka soo geli lahaa.
Haddaba, Waxa lagama maarmaan ah in xukuumaddu qaado tallaabo weyn oo ay ku tirtirayso sicir bararkan joogtada noqday, maadaama oo ay dalka ka jiraan duruufo abaareed oo Ilaahay ha innaga soo furtee saameeyay dad gaadhaya 1.5 Milyan oo ku nool gobollada bariga dalka, iyadoo ay inoo raacday dhoofkii xoolaha nool ee joogsaday.
Suulinta sicir bararku waa mid dhaxal siyaasadeed oo wanaagsan u ah Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo jecel inuu xakameeyo sicirbararka, maadaama oo uu yahay dhaqaale yahan. Waxay dadweynuhu ku ammaaneen qorshihii uu la yimid ee wax ku oolka ahaa ee ay ka seexdeen hay’adihii fulin lahaa, waxaanay ray’ul caamka bulshaddu rejo ka qabaan in Madaxweynahoodu laamaha xukuumadda kula xisaabtami doono sababta loo fulin waayay go’aankii lagu diirsaday ee xakameynta sarif iyo sicir bararka.
Xigasho: Wargeyska DAWAN