Ogow xalka oo laysku dayo inay ka horayso daraasadu , waana bar bilowga xalka….
Waxaase lagama maarmaan ah in aan mililka dusha laga dhayin laakiin hoos loogu dhaadhaco…..
Xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland way kala dhex-galeen , iyagoo nabad waarta ka dhex raadinaaya Beelaha walaalaha ah ee Degaankaasi Ceel-Afweyne , laakin ilaa haddana waxa muuqata in ay marba meel ay ka fad kudinaysay, Hadaba Su’aalo ayaa ina hor iman-kara kuwaasi oo odhanaaya tolow maxaa jira :
Waxaa La Is Odhan-karaa : Ma Xukuumadda Ayaan daacad ka ahayn xalinta colaadda mise dadka Ayaan Nabad rabin? Mise wadaddii loo mari-lahaa daminta iyo dibu- heshiisiinta ayaa habowday, oo halkeeddii ayeyba ka baydhay? Ma waxaa jira Dad Ganacsato Xisbiyo iyo siyaasiyiin lug leh colaadda oo Faa”iido ama Macaash ugu jiro oo faraha kula Jira? ilaahay swt ayaa xaal og, laakiin waxaan xal u arkaa in laga baaraan dego hawshan jiitan-tey ee riiqda dheeraatay, oo ku dhow in ay u kala gudubto jiilalka soo socda.
Maxay salka ku haysaa colaaddu?
Maadama labadda beelood ee walaalaha ay waxkasta wadaagaan, isla markaana yihiin xoolo dhaqato reer guuraa ah, waxaa adag inay kala maarmaan. Sidoo kale wax-kasta oo dhexmara ama colaadda u dhexeysa ayaa si fudud ugu baahi karta deegaannada kale markiiba, maadaama ay dhinacyadu meel-kasta wada degaan.
Haddii aan muuqaalada iyo wareysiyadda Siyaasiyiinta Iyo madaxdhaqameedka ka hadlay colaadda Ceel-afweyn .kuwii u danbeeyey dib u milicsanno bal aan is weydiinno ? iyaddoo markasta labadda beelood ee walaalaha ah, ay iyaguna hadalo xanafleh warbaahinta isu-marin jireen.
Waxaan dhegaystay shirkii Jaraa’id ee uu qabtay. Suldaan Maxamed Cabdiqaadir: Isagoo ka hadlaaya shir la qabanaayo. Ayaa waxa uu yidhi. Shirkaasi wuxuu ahaa Shir loogu talo-galay in Dagaal Cad lagu qaado, Dadka meesha joogay (Shirka) waxa ku jiray kuwo Xamar ka yimid, Qaarna dibadda ayay ka yimaaddeen, qaarna gudaha ayay joogeen, laakiin markaad waxaba isku darto Wuxuba waxay ka tirsan yihiin Xisbiga WADDANI.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Arrintaasi kuma lug lihi, dhibaato Somaliland gaadhana intii hore ayaa nagaga filan ee na soo martay. Ninka Doonaya inuu Colaad cusub abaabulo waxaan leeyahay kaa yeeli mayno.”
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Boos Mire oo ka mida ahaa weftigii hore u galay xalinta colaadda . Ayaa Hadalka ka soo yeedhay wasiir boos mire uu dareeno kala duwan ka bixiyey colaadda. isla-markaana waxuu duray rag xilal qaran ka haya Gobolka sanaag iyo Maamulka Ceerigaabo shir Goof ka dhacay hogaaminaayey. kuwaasi oo uu ku sheegay inay faragelin weyn ku hayaan .isla-markaana ka soo horjeeddaan daminta colaadda beelaha walaalaha ee deegaanka ceel-afweyn saddexdii sano ugu danbeysay ka jirtay. waxuuna baaq u direy dadweynaha kale inay soo faro.geliyaan.
Ka Hortagga Mushkilada:
Haddii ay muuqato in mushkiladu sii socoto waxaa fiican in lagu dadaalo wakhtina lagu bixiyo sidii loo baajin lahaa loogana hortagi lahaa, sababtoo ah ka hortagga ayaa ka fiican in lagu daalo sidii mushkilada loo xallin lahaa. Akhristaha qaaliga ahow waxaan ku weydiiyey haddii uu abuurmo jawi dagaal ma waxaa fiican inaan isku dayno inaan dagaalkaa baajino mise waxaa haboon inaan sugno inta wax ka dhacayaan ka dibna aan xal raadino?
Buunbuuninta Mushkiladda:
Waxaa dhacday wakhtiyo badan in la buun-buuniyo mushkilada ceel-Afweyn lagana saraysiiyo heerkeedda ama laga duwo sida xaqiiqada ah iyo waxa dhacay sababkasta , taasi oo keenta in wax sahlan oo si fudud looga tallaabi karo laga dhigo jar & buur aan la dhaafi Karin, sidaa daraadeed waa inaan la buunbuunin mushkiladaha lana dhaafin xadkeeda & heerkooda. Akhristoow, Tusaale yar aan idiin siiyo. waxaa ugu danbeeyey: in jabhad uu wato nin sarkaal ciidanka qaranka ka goostay oo Caare la yidhaahdo iyo ciidamo beeleed uu urursaday ay si gaadmo ku dileen dad xoolo dhaqato shiciba oo ku jiro inanyar oo xoolo dhaqata oo si foolxun loo diley sida la sheegay. laakiin waxaa lagu baahiyey wararka . inuu dagaalkii Ceel-Afweyn soo cusboonaaday.
Ictiraafka Mushkiladda:
Waxaa marar badan dhacda inay inagu adkaato inaan ictiraafno in mushkiladi jirto kuna doodno inaanay waxba khaldanayn wax welibana sidii loogu tala galay ay u socdaan.Taas macnaheedu waa inay mushkiladihii is dul fulaan dabadeedna midba mid kale looga tallaabo ay gaadhaan xilli aan waxba laga qaban Karin, sidaa darteed waa in la ictiraafo lana dareemo markay mushkiladuhu jirto, sababtoo ah in insaanku wax khaldo waa arrin iska dabiiciya laakiinse waxaa ceeba in lagu sii socdo. xukuumadda S/land waxaa horyaalla iyadoo loo raacaayo jidadka ugu habboon, oo aan laga meeraysan, si dhab ahna loo abbaaro in gacanta lagu soo dhigo jabhadda budhcadda ah ee ka goosatay ciidanka qaranka ee caare hogaamiyo ee dilalka qorsheysan ka geysatay degaankaasi nabadda laga raadinaayo ama kuwa xabadda wata ee nabadda ka soo horjeedda.marka mishkilada meesha la dejiyo ayaa xalkeeda la gallaa oo ah. waxa ay la mid tahay daawada Anti-biotics ee xanuunka sida tooska u daweysa. Waxaase lagama maarmaan ah in aan mililka dusha laga dhayin laakiin hoos loogu dhaadhaco.
waxaa Xaqiiqooyin ah:
Maanta Nabadda Ceel-Afweyn umadda Somaliland ayey ugu fadhidaa muhiim weyn. xaqiiqaduna waxa ay hoosta ka xariiqaysaa in Ceel-Afweyn dhibteedda iyo dheefteedda wada gaadhayso umadda Somaliland oo dhan, meelkasta oo ay joogaan. isla-markaana aanay ku koobnayn inta degaanka oo keliya. dano badan ayaa ku lumaaya , xaqiiqadani waxay fasiraysaa sida culeyska loo saaray ee weftiga xukuumadda Somaliland( Madxweyne Ku-Xigeenka JSL) iyo shiciba ee loogu diyaargaroobaay in loogu gurmado. xaqiiqo kalena waxay tahay .in dadka ilaahay meel ku wada dhaqay weligood aanay kala tageyn. kuna qasban yihiin inay wada sameystaan nolol iyaguna taasi ay isla aqbalaan.
Arrimo Lagama Maarmaana Inta aan Xalka La Guda Gelin:
Waxaad ogaataa xalka oo lagu degdegaa wuxuu sababaa inuu lumo wakhti badan, juhdi badan iyo inuu abuuro mushkilad cusub oo hor leh .
Wakhtigu wuxuu qayb weyn ka yahay xalka, hadaba hadaan xalka la siin wakhti ku filan waxaa suurowda inaadan gaadhin natiijo ku farax-gelisa markasta.
Ogow xalka oo laysku dayo inay ka horayso daraasadu , waana bar bilowga xalka….
Waa inaad kala garato fahantana farqiga u dhaxeeya waxa suuro-galka ah iyo waxa haboon ee ay tahay inaad sameyso. Taas macnaheedu waxa weeye markasta inaad tallaabsato inta aad socon karto ee suura galka ah, isna weydiisu inta awoodaadu gaadhsiisan tahay. Hadaan si kale u nidhaahno waa inaadan go’aankaaga ku dhisin waxa aad jeceshay, laakiin waa inaad ku dhistaa waxa hortaada yaalla ee suuro galka ah.
Waa in go’aanku adiga kaa go’aa arrimahan aad doonayso inaad xalisana waa inaadan go’aankeeda cid kale u daba fadhiyin.
Waa inaad la timaado dhabar adayg, sabir iyo dul qaad kuu sahla inaad ku sii socon karto wadada xalka loo marayo.
Waa inaadan mushkilada xal ugu dhigin inaad dhib ka sii weyn abuurto.
Waa inaad ilaahay u talo saarataa arrimahan aad rabto inaad xalka ka gaadho.
XAL WAARA?
waxaa dhici kara in xal waara loo heli karo colaadda Degaanka Ceel-Afweyn iyo kuwa kale ay isku nooca yihiinba. Hase yeeshee waxaa iyaduna xaqiiqo kale ah in qaabka hawlahan oo kale loo xaliyaa inaanay dhalin karin xal dhameystiran. inagu ma hayno xal laakiin soo jeedin ayaan haynaa.kuwaasi oo tilmaamo guud ka bixinaaya bal wadooyinka loo mari karo xalka. waxaana ka midda:
In marka hore Caqli ahaan lagu qanco xabad joojin iyo mago la-kala qaato. wax-ka weyn ayaa loo baahanyahay.
In dadka degaankaa Ceel-Afweyn ay isku waafaqsan-yihiin. halka dhibku ka imanayso. sideedaba haddii mushkiladda waxa ay tahay laysu waafaqsanayn.
xalkana lama keeni karo, qofku mushkiladda oo keligii fasirtay ayuun buu xalkeedda arki-karaa. waana midda markasta dhacda.
waxaa xal loo la.yahay waxyaabaha mishkiladda asalka u ah. sida mushkilad laysku waafaqay oo la yidhi dhibkeeddu waa kaas ma jirtaa ???.
ka-dibna xalalka waa lagu kala duwan-yahay.mushkiladaha waxaa ka midda: naceybka la-kala dhex dhigay dadka walaalaha ah. Kala-Shaki. Mu,aamarad la-kala qabo iyo mushkiladaha degaanka iyo dhulka ee u dhaxeeya beelaha ayaa ka mid noqon-karta.
Gunaanad: Marka mushkiladaha laysla garto. ama intooda badan laysla waafaqo ka-dibna mushkilad walba , waxaa loo dejiyo qorshe wax lagaga qabanaayo.
In Gogosha laga balaadhiyo darafyadda dadka walaalaha ee darajadda 1aad. waa in xabad-joojin ka dib. beelaha kale siiba kuwa dhibka kulaalaya. sababta oo ah waxay keenaysaa. dad arimo guud u muuqdaan. sidoo kale culeys saari-kara dadka ay isku ooda yihiin.
Waxyaalaha kale mu,aamarada iyo shakiga : waxaa lagu baabiin karaa ama wax lagaga qaban-karaa inay dadku wax wada yeeshaan (Dan Guud) oo ay ganacsiga ku shurakoobaan. sida shirkadaha leydhka shidaalka iwm. haddii taasi jiri lahayd waxaa dhici lahayd si kasta oo laysku khilaafo inaan dagaal lagu degdegin ama aanu dhaceen.waayo dantoodda ayey ilaashan lahayeen.
In daladdo guud loo wadda sameeyo, Sida: Culimadda. Waxbarshadda (Macalimiinta iyo Ardayda) . Dhalinyaradda iwm. sidoo kale in Culimadda oo dhan ay muxaarado iyo khudbado wacyi-gelin ah ay jeediyaan.
In la sameeyo Machad(Kuliyad) lagu barto culuunta ilaalinta Nabadda iyo Xalinta khilaafaadka oo dad kala duwan dhigtaan. si dadka aqoontoodda ama kobcinta khilafaadka la kobciyo. In iyadda oo lala kaashanaaya haayaddaha in la sameeyo degaanka Ceel-Afweyn adeegyo dadku ay wadagaan.oo isku sidkaysa Bulshadda dhan.
( Interdependence) Abuuraya.
Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaan Bulshadda deegaanada Ceel-Afweyn ku dhaqan in ay dib u xisaabtamaan oo caqliga la kaashadaan : oo wax-badan eegaan intii : Agoomowdey, Naafo-wdey, Gob-lantay, kala irdhowdey iyo waxii kale ee aad isu geysateen, intaas marka aad garowsataan ayaad xalka wax ka raadin-doontaan inshaa allaahu.
Qalinkii: Adan yusuf Elmi.