Ka dhuumaan is leeyahay se waan kari laayahay. Waa lay daba dhigay oo lay raacshay. Uma baahni, waan necbahay illaa xad. Ma arki karo mana maqli karo. Marka la soo hadal qaado ayaan diiqad dareema.
Halkan maxaa ku keenay? Hebel maxaa ku baray? Dadkan maxaad ula saaxiibtay? Xaafadan maxaad u soo dagtay? Halkan maad iskaga guurtid? Si uun baan u qoomamoonaaya marna isku ciil kaam binaaya. Waxaan dareemaaya inuu noloshaydii dhibaato weyn u geystay. Keliya, maaha anniga ee ummadda aan ka tirsanahay oo dhan buu dhibay. Hadday helaayan meel ay kaga dhuuntaan way ka wadda dhuuman lahaayeen.
Hawl walba oo la soo haddal qaado wuxuu u fadhiyaa dhexda. Lagama yaabo inay fusho hawshaas la’aantiis. Horumarkii oo dhan baa isaga u dabran. Sharcigii iyo shuruucdii oo dhan baa ka hir geli kari la’a. Nidaamkii iyo kala danbayntii oo dhan baa ka hano qaadi kari waayay. Isu socodkii iyo is dhex galkii bulshada ayuu caqabad ku noqday. Qofkii wanaagsan iyo kii xumaa ayuu is barbar dhigay, weliba kii xumaa sarraysiiyay.
Waxaan bilaabay inaan socdaalo. Waxaan la kulmay ee iigu dhibaatada badnaa wuxuu ahaa ’’Waxaannu nahay laan dheere. Reer hebel nama gaadhayaan. Reer hebel waa laan gaab. Kaasi waa reer hebel. Waa reer hebel ee iska illaali. Reerkaasi waa reer xun’’. Waa nolol ku dhisan ‘’ANNAKA OO REER HEBEL AH’’.
Cidna nolol uma ogola. Qabiil waliba wuxuu doonaaya inuu keligii nolaado. Keligii horumaro. Keligii guulaysto. Keligood la ammaano. Keligood ummadda hogaamiyaan. Dhibka ugu weyn ee Soomaalida haystaa waa in aanu qabiilna qabiilka kale waxba u ogolayn, qofna qofka kale waxba u ogalayn, kooxna kooxda kale waxba u ogolayn. Noloshooda oo dhammi waa ku jiq sii!
Waxaan ku daggay wiil aan saaxiib nahay. Aroortii koowaad ba, markaan albaabka guriga ka baxay waxaa lay weydiiyay. Ma reer hebel baad tahay? Inanka reer hebel baad ku soo dagtay. Waxaan dareemay cidhiidhi. Marka aad dhallinyaro tahay, waxaad jeceshahay nolosha furfuran. Wakhtiga dhallinyaranimada xuduudu aad bay kuu dhibaysaa. Aabbahaa marku ku yidhaa makhribka ha ka danbayn waxaad dareenta inaad tahay qof aan xorriyad uu xilligaas kaga danbeeyo lahayn.
Ka warran, in lagu yidhaa ninkaas ha la hadlin, ha salaamin, ha u dhawaan. Waayo, waa reer hebel. Faquuq iyo fasiraad xun ayuu baray bulshada. Waxaa horseed ka ah oo durbaanka si wanaagsan u tumaaya niman nolosha ka dhacay oo shaadh siyaasad la yidhaa soo xidhay. Waxaa ku dul talay oo shaadhka iyakanna ku giijiyaya niman kale oo la yidhaa madax dhaqameedyo. Intuu madax dhaqameed jiro qabiilaysiguna wuu jiraaya. Ha sugin in sharci hir galo oo awooda sare yeesho inta madax dhaqameed jiro. Ha sugin in dhallinyaradu is dhex gasho. Waa kuwa u diiday dhallinyara inay is dhex galaan oo noloshu u furfuranto.
Waxaan bilaabay inaan la saaxiibo dhallinyaro badan. Markaan raaco ee aan wadda socono xaafadahooda waxaa laygu yeedha ‘’Waa kii reer hebel’’ markay i soo raacaan ee ay xaafadahaayaga dhex maraayana waxaa loogu yeedha’’ Waa kuwii reer hebel’’ Waxaan u ciyaara kooxda kubada. Markaan dhallinyarada xaafadaayada dhex maraayo waxay igu yidhaahdaan ‘’Waa kii u ciyaari jiray kooxda reer hebel’’ noloshaydii oo dhan waxay ku soo koobeen reer hebel!
Wiilka Soomaaliyeed wuxuu dhashaa isagoo xor ah wuxuunna dhintaa isagoo cuqdadaysan. Waayo, qofku wuxuu ka nool yahay qalbiga. Ilmaha Soomaaliyeed halkii lagaga barbarian lahaa abuurista fikrado iyo arragtiyo cusub oo uu ku soo kordhiyo waddankiisa iyo dadkiisa waxaa lagu barbaariyaa reer hebel waa sidan iyo reer hebel waa sidaas. Wuxuu ku caqliyaystaa sidaas. Wuu ku koraa kuna weynaada. Taasi, waxay abuurtay ilmo cuqdadaysan oo reer hebel iska illaalinaaya.
Goobaha waxbarashada ayaan is lahaa wad kaga dhuuman oo dad ehlu cilmi ah oo adduunka la nool baa jooga. Waxaan kala kulmay sidan, suuliga waxaa ku qornayd cay loo jeedinaayo reer hebel iyo ammaan loo jeedinaayo reer hebel. Meesha sidaas ah ayay dhallinyaradu u cilmi doonataa. Gudoomiyaha jaammacaddu waa reer hebel. Hormoodka kuuliyaddu waa reer hebel. Madaxaa i xanuunay. Caqli ma jiro aan reer hebel ahayn miyaa?.
Markale, waxaan u dhoofay dal kale oo shisheeye. Halka bahashaba laga soo qaybiyaa waa halkaas illeen. Inta waxbarashada loo diraaba in badan oo ka mid ahi meesha qabyaalad iyo qabiil bay ka soo bartaan. ’’Maanta waxaa la dooranaaya gudoomiyaha ardayda ee kaalay ka soo qayb gal’’ Marti qaadka ayaa sidaas u qornaa. Haddaan ka soo qayb geli waayo maxaa dhacaaya? Reerkeenna waa laga helaaya gudoomiyanimada. Yaab!
Yaa aqoon badan. Yaa karti leh. Yaa awooda inuu hawsha qabto. Yaan se awoodin. Su’aalahaas iyo kuwa la halmaalo isma weydiiyaan Soomaalidu. Inta xaqiiqada layska indho tiraayana waxaynnu sii fadhiyi doonaa sagxada adduunka ugu hoosaysa ee aynnu fadhino.
Adduunyada horumartay waxaa lagu sheega reer galbeeda. Soomaalida halkaas ku nool baan dhex galay. Ku ye, waxaad tahay reer hebel. Reer hebelna ka ag dhawaw uun. Dadka kale afaarahooda ha gelin. Halkan waxaan bidaayay nolol ka duwan intii hore. Albaab walba oo aan garaaco waxaa iga fura reer hebel waxaynna ii sheegaan inaanan ahayn reer hebel oo albaabkani iga xidhan yahay. Haddaba, halkeen kaga dhuunta?
Waxaa is weydiin mudan, dhallinyaradu maxay u baahan yihiin? Nolol aan xuduud lahayn oo furfuran. Nacam sidee ah? nolol isku wadda furan oo aan qofna reer hebel ahayn. Sidee lagu gaadhi karaa? Waa in shaadhka madax dhaqameedka oo dhan laga takhaluso.Inta madax dhaqameed (suldaan, caaqil, ugaas, garaad iyo wixii la hal maala) jiraan qabyaaladina way jiraysaa. Wiil walba oo dhashaana wuxuu xidhan doona shaadhka reer hebel. Isla mar ahaantana, wuxuu ku daba fayli doona madax dhaqameedka reerkooda.
Baahida ay dhallinyaradu qabaan waa maxay? Waa inuu sharcigu sarreeyo. Hadduu sharcigu sarreeyo maxaa dan ah ee ugu jira? Nolol ka wanaagsan tan maanta ayay helaayaan. Oo sidee ah? Shaqo aan reer hebel lagu doonan. Shaqo aan ninka uga aqoon badan suldaankoodu uga hiilin. Isu socod, is dhex gal, saaxiibtinimo, kala sarrayn la’aan, sinnaan iyo caddaalad.
Haddii ay jirto maanta meel aanay Soomaali ku noolayn oo adduunkan dushiisa ah waan ku noolaan lahaa si aan uga dhuunto reer hebel baa sarreeya iyo reer hebel baa hooseeya. Sidaas waxaa igu yidhi wiil aan wax wadda dhigan jirnay wakhti hore.
Odhaahdaas, marwalba oo aan xasuusto waxaan is idhaa wiilka dhallan doona 2020 markuu 20 jir noqdo tolow isna ma reer hebel baad tahay baa lagu oodhan oo wuxuu raadin doonaa meel uu kaga dhuunto qabiilka, qabyaalada iyo qudhunka ay leedahay?
Mukhtaar Cabdi Sheekh ‘Bulshaawi’