Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa bishii aynu ka soo gudubnay ee November sannadkan 2014-ka si rasmi ah u shaacay inay soo saartay go’aan ay ku joojisay Kalluunka Ganacsi ahaanta looga soo dhoofiyo dalka Soomaaliya, loona iib-keeno Somaliland oo Kalluun ahaan wakhtigan isku filan.
Haddaba, iyadoo is-weydiintu tahay go’aankaasi ku dhawaaqistii ka dib ma hirgelay mise ma hirgelin, ayaannu arrintaas ka waraysannay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed), waxaanu sheegay inuu si rasmi ah u dhaqan-galay go’aanka uu bishii hore ku joojiyey Kalluunka dalka Soomaaliya laga keeni jiray, loona soo dhoofin jiray Somaliland maaddaama oo ay Somaliland Kalluun ahaan isku filan tahay, isla markaana aanu jirin Kalluun dibedda ka yimaadda oo hadda dalka yimaadda marka laga reebo noocyada Mallayga Qasacadaysan.
Wasiir Buureed oo isagoo Hargeysa ku sugan xalay Khadka Taleefanka Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo wax kaga weydiiyey waxa ka hirgelay go’aanka uu Bishii hore soo saaray ee uu ku joojiyey Kalluunka Ganacsi ahaan looga keeni jiray dalka Soomaaliya, waxaanu ku dooday Wasiirku inuu go’aankaasii sidii loogu tala-galay u hirgelay, isla markaana wakhtigan aanu jirin wax Kalluun ah oo Somaliland looga soo dhoofiyo dalka Soomaaliya.
“Go’aankaasi sidii loogu talo-galay buu u dhaqan-galay, mana jiro wakhtigan wax Kalluun ah oo Somaliland looga soo dhoofiyo Madaarrada dalka Soomaaliya oo Somaliland ama Caasimadda Hargeysa yimaaddaa. Inkasta oo ay Ganacsatadii soo dhoofin jirtay Kalluunka Soomaaliya cabanayaan oo ay leeyihiin Kalluumaysatada Somaliland awood uma laha inay soo saaraan Kalluun ku filan dadka Somaliland wakhtigan Kalluunku badan yahay mooyaane markay dabayshu soo dhacdo ee Kalluunku hoos tago ee yaan nala xannibin ee hannaloo oggolaado inaan dib u bilawno keenista Kalluunka Soomaaliya, haddana weli dheg umaannaan dhigin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland.
Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo la hadlaya Ganacsatada Kalluunka ee Somaliland, waxa uu yidhi; “Waxaanannu Ganacsatada Kalluumaysatada Somaliland Kalluunka ka soo iibsada ee Suuqyada magaalooyinka waaweyn ku sii iibiya aannu kula talinnay inay qiimaha Kalluunka jebiyaan oo hadday Berbera toban kun ka soo siistaan Xabbadda Kalluunka ah ama Kiilooga Kalluunka ah aanay Suuqyada 35 iyo wax la mid ah kaga iibin ee ay qiime Macquul ah ku iibiyaan.”
Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waayo? Waxa wax aad loola yaabo ahayd Kalluunka Muqdisho laga keeno ee Diyaaraddu keenaysay ee laba Kastam iyo laba dal isaga soo gudbay ee lagu cashuuray inuu Suuqyada Hargeysa kaga jabnaa qiimo ahaan ka Berbera laga soo saaray. Markaa, inay macquuliyadda ku shaqaystaan baannu u soo jeedinnay, Kalluumaysatadana waxaannu u soo jeedinnay inay laban-laabaan awooddooda Kalluun soo saar oo ay dedaal iyo wax-soo-saar muujiyaan, markaa, waxaannu u aragnaa in Somaliland Kalluun ahaan isku filantay oo aanay u baahnayn Kalluun dibedda looga soo dhoofiyo.”
Mar uu Wasiir Buureed ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay Kalluunka ay joojiyeen in dalka la keeno inuu ku jiro Kalluunka Daasadaha ama ka qasacadaysan ee waddanka dibeddiisa laga soo dhoofiyo, waxa uu yidhi; “May Kalluunka Qasacadaysani kuma jiro Kalluunka aannu joojinnay, ee waa Kalluunka aan qasacadaysnayn ee Badda laga soo saaray oo Baddeennaba ka buuxa oo aynaan Somaliland ahaan u baahnayn in dal kale la innooga keeno. Laakiin, Kalluunka Qasacadaha maaha oo horta markaynu tallaabadan ka gudubno ee aynu dhammaystirno awoodda Kalluun dadka iyo dalka ku filan inaynu la soo baxno, ayaannu Kalluunka Qasacadaysanna u gudbi doonnaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo.” Balse sida uu xusay Wasiirku waxaan weli si rasmi ah u hirgelin jebinta qiimaha Kalluunka Suuqyada Somaliland lagu iibiyo.
Himilomedia.com