Waxa muddo laga jooga waqtigii uu Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) uu sheegay inuu Gollaha wakiiiladda somaliland uu gudbiyey xeerkii Kootada Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, ee Beelaha Gabooye. Waxana uu Madaxweyne siilaanyo waqtigaas u eg-kaa Nin daacad ka ah inuu dhaqan galo xeer kaasi waxase muuqata in ay arrintaasi noqotay hal bacaad lagu Lisay. Waxanay muddo aad uu dheeri ka soo wareegtay markii uu warsaxaafadeed ku sheegay inuu daacad ka noqon doono marka ay Golaha wakiiladdu usoo gudbiyaan, waxana weli meel dhexe heehaa-banaaya Xeerkii oo aan la hayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay.
Waxana iska cadaan ah oo aan daah-saareyn in aanay haba yaraatee Xeerkaas aanay Gollaha wakiiladda iyo Madaxtooyaduba daacad ka ahayn. daliilna taasi uma Baahna waayo islaan soomaaliyeed ayaa ku Maah-maahday (Ninka Xooga weyni Inaan-tayda kamu dhali kari waayin ee wuu hagranaayey) waxana uga socdaa haday tahay gollaha wakiiladda ee la sheego iyo haday tahay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland oo isaagu awood buuxda u leh hir-gelinta awooda kootada dadka laga tirada badan yahay iyo Haweenka-ba.
Somaliland waa dal in badan isaagu dadkiisa dulmiyaa oo kii Ganacsadaha ahaa waxa uu dulmiyaa kii uu waxka iibinaayey, ka Madaxweynaha ahiina waxa uu dulmiyaa shacabkiisa waayo waxa uu diidan yahay cid uu garabkiisa ka eego, kuwaa gollayaasha ahiina waxa ay dulmiyaan cidii la sinneyd ee ay ahayd inay gollayaasha kusoo biiran. Mid kale, ayaa jirtaa shacabka reer somaliland waxa ay intooda badani ka siman yihiin cadaadiska lagu hayo, Beelaha laga tirada badan yahay.
Beelahaasi ma laha wasiir Buuxa iyo mid dhiban-ba sidoo kale, ma lahaa wax xildhibaano ah oo Gollaayaasha kala duwan, marka laga reebo hal Xildhibaan oo Guurtida ugu jiraa, kaasina wax saameyn ah kumma laha siyaasadda oo intaa badan cidi waxba ma weydiiso. Waxa kale, oo xusid mudan in aanay Beelaha Gabooye, Laamaha faraha badan ee Dawladda kaga jirin sida agaasimayaasha Guud. Agaasime waaxeed-yada laamaha Dawladda, xataa kumma jiraan Madaxda kastamada dakhli ee dalka.
Intaas uun kuma eg-ka ee waxay ka takooran yihiin shaqaale weynaha Dawladda ee caadiga ah, kuwaas oo aanay wax la tilmaamo kaga jirin. Sidoo kale, waxa ay 100%3 ka ahayn Ciidamada Qaranka iyo police-ka. Walow ay soomaalidu ka siman tahay cadaaladda darrada lagu hayo beelaha la takooro, hadana waxa Hubaal ah mudadii 24-ka sanno ahayd ee ay somaliland jirtay waxa is-kaga danbeeyey Maamulo kala duwan kuwaas oo mud waliba lahaa Madaxweyne iyo dawlad dhisan, saddex waxay ka sinnaayeen inay siiyaan Wasiirku xigeen, halka Madaxweynaha Maanta Axmed siilaanyo aanu haba yaraatee siinin wax xil ah-ba isaagoo mar magacaabay xil ay ka xishoodeen Madaxdii ka horeysay.
Kaas oo ahaa lataliyaha Madaxweynaha ee Beelaha la Hayb-sooco. Waxa uu ahaa xil xaaran ah oo aanay geyin bulsho weynta Gabooye, waxanay xaq uu lahaayeen inay helaan xilalka dadka kale iyo Beelaha somaliland ka siman yihiin, kuwaas oo kala ah, Wasiiro, Wasiir Ku xigeeno, agaasimayaal Guud, shaqaale weynaha kala duwan ee ka Hawl gala Dawladda wasaaradeheeda iyo maamulayaasha ilaha dhaqaalaha Somaliland.
Waxa kale oo jiraa dhib iyaga gaar uu ah, waayo intooda badani kuma doodan xaqa ay leeyihiin, sidoo kale, iskuma uur-sama badan koodu waxa kaliyaa ee imika Bulshadaas iftiin uu ah oo Bulshadu aragtaa Urur Haween oo ay sameeyen sheqsiyaad ka soo jeeda beeshan kaas oo Magacaabo VOSOMWO waxa uu dooda dadka laga tirada badan yahay iyo Haweenka, waxa uu noqday urur keligii ummad wax la raadinaaya waxanu qabtaa Tababaro kor loogu qaadaayo aqoonta dadka aynu soo sheegnay, waxa kale, oo uu qabtaa aqoon korodhsi sidii ay beeshaasi uga bixi lahayd Gummeysiga Baaxadda leh ee lagu hayo iyo Takoorka Bini-aadanimada ka soo hor jeeda. Waxa qabataa kulanno siyaasadeed oo ay dooneyso sidii dadkaasi siyaasadda somaliland qayb uga Noqon lahaa.
Beelaha Gabooye waa dad soomaaliyeed waxana lagu tilmaama dadka keliyaa ee leh dhaqankii hore ee Somaalida waxaanay dhamaantood yihiin dad farsamo yaqaanno ah, kuwaas oo leh wax soo saar dabeeci ah, waxanay intaa badan caan ku yihiin Farsamada sameynta qalabka kala duwan ee Maacuunta oo ka Kooban sidaa, Mindida, Gudinta, Weelka Nixaasta ka Kooban Gir-girayaasha, timo jarista iyo welibaa wax badan oo kale, dalka somaliland kuma noola dad yaqaanna Far-samooyinkaas oo dhan.
Hadaba maxay galab-sadeen ee sidaas oo dhan loogu takoorayaa beelahan Magaca xun loo Bixiyey ee Madaxa lagag taagan yahay waxan qormooyin danbe kusoo qaadan doonaa dhibka iyo saxariirka Bulsho weyntaas la geyeysiiyey oo qaarkood dhaawac halis ah uu geystay la soco…
Qore
Cabdi casiis Bashiir Nuur
info@xogreebnews.com