Bismillaah Wassalatu Wassalamu Calaa Rasuulillaah. Ummadi waxay horumar ku gaadhaa inay ka sheekayso taariikhdeeda. Waxay ku hana qaadaa ilaalinta dadka safka hore kaga jira horumarkeeda iyo ilaalinta sharafteeda. Haddii Alle idmo, waxaan qormooyin taxane ah kaga hadli doonnaa raggii Muslimiinta ugu yaqaanay xadiithka ee soo mara. Si kale haddaan u dhigo, aqoon yahannaddii xadiith ruugga ahaa si dhalinyaradu u bartaan.
Aqoonyahanadda aan si kooban oo kadab leh uga hadli doonno waxa ka mid ah Imaamu Bukhari, Imaamu Muslim, Imaamu Abuu Daa’uud, Imaamu Nasaai, Imaamu Ibnu Maajah, Imaamu At-tarmidi, Imaamu Al Albani iyo Imaamu Shariif Cabdi Nuur.
TAARIIKHDA IMAAMU BUKHAARI
Magaciisa iyo Meeshuu ku Dhashay.
Abuu Cabdullahi Muxammed ibn Ismacil ibnu Ibraahiim ibnu Muqhiira ibnu Bardizba Al Jacfi Al bukhaari.
Aabihii Ismaaciil ibnu Ibraahim sida uu Ibnu Xibbaan ku qoray Kitaabkiisa “A-Thiqaat”, waxuu yidhi, “Bukhaari aabihii waxuu axaadiista ka weriyaa Xammaad ibn Zeyd iyo Imaam Maalik, isagana Ciraaqiyiin ayaa kasii weriya.”
Waxuu ku dhashay meesha la yidhaahdo Bukhaara oo ku taal Asia, hadana loo yaqaan “Uzbekistan”. Bukhaara waxay u jirtaa Samarqandi meel loo soconayo 8 maalmood. Waxuuna dhashay maalin Jimca ah oo ay 3 berri ka hadhay Shawaal dhamaadkeeda. Sannadku markuu ahaa 194 Hj.
Barbaarintisii iyo Cilmi raadintiisii.
Imaamka aabihii waxaa la oofsaday isagoo dhalaan ah oo aad uyar. Markaa waxaa soo korisay hooyadii. Waxaana uu bilaabay cilmiga isagoo yar.
Isagoo iska sheekaynaya, waxuu yidhi. Waxaa la igu ilhaamiyay ama la igu manaystay inaan xafido axaadista anoo jira 10 sanno ama ka yar. Markaan gaadhay 16 sannana waxaan xafiday Musanafaatka Ibnu Mubarak iyo Wakiic . Kadibna waxaan xajka u raacay hooyaday iyo walaalkay.
Markii aan gaadhay 18sano ayaan bilaabay inaan qoro kitaabka “Qadaayaa saxaaba wa Taabiciin”. Kadibna waxaan Madiina ku qoray Kitaabka “A-Taariikh”. Waxaana kitaabkaas qori jiray habeenada uu dayaxu joogo. Taariikhda qof uu magaciisa soo maray oo aanan qiso ka haynin majiro, laakiin waxaan diidanaa inuu kitaabku iska sii dheeraado.
Imaamku waxuu u tagay cilmi raadinta meelo badan. Waxaa la sheegay inuu u safray,Makka, Madina, Ciraaq, Shaam, Masar, Khurasaan.
Culimadiisa iyo Dadkuu Xadiis ka maqlay, waxaan ku soo koobnay:
- Maxamed Ibnu Sallaam
- Maxamed ibnu Yusuf al Beykendiyin.
- Cabdullahi ibnu Muxammad al Musnadi.
- Ibnu Al-ashcath.
- Al Xumeydi
- Cabdicaziiz al Uweysi
- Mudharaf Ibnu Cabdillah
- Makkiy ibnu Ibrahim
- Axmed ibnu Xanbal
Masoo koobi karo dadka uu xadiis ka maqlay. Mar uu ka hadlayay inta qof ee uu xadiis ka qaatay waxuu yidhi, “Waxaan xadiis ka qoray 1008 qof ,oo kuligoodna ay wada yihiin dad axadiista lagu yaqaan.”
Xifdigiisa iyo Fahmadiisa:
Imaam Bukhari hadaan nidhaahno waxaanu soo guurinaynaa hadaladii laga sheegay iyo sifadiisii ma soo koobi karno. Intaasoo kutub ayaa laga qoray, laakiin inshaAllah waxaynu soo qaadan hadalada culimada qaarkood.
Maxamed ibnu Azhar al Sajistaani waxuu yidhi, “Anagoo joogna majliska Suleymaan ibnu Xarb oo uu Bukhaarina nala joogo isagoo dhagaysanaya xadiisyada oo aan waxba qorayn, ayay dadka qaar yidhaahdeen oo maxuu wax u qori la’yahay?. Markaas ayaa la yidhi , intuu axaadiista dhagaysto ayuu markuu wadankiisii ku laabto qoraa. Allahu Akbar bal Ilaahay xifdiguu ku manaystay adoonkiisa daya.”
Maxamed ibnu Xamdawiyah waxuu yidhi , “Waxaan maqlay Bukhaari oo odhanaya, waxaan xifdisanahay Boqol kun oo xadiis oo Saxiix ah iyo Labo boqol oo kun oo aan ahayn Saxiix.”
Imaamul A’ima Ibnu Khuzeyma waxuu yidhi ” Ma arag qof binu Adam ah oo samadan sokadeeda ku nool (yacni aduunkan jooga ) oo ka xifdisan Axadiista Rasuulka Sallalaahu Calayhi wasalam Muxamed ibnu Ismaacil Al Bukaahri”.
Culimadii isaga ka qaadatay axaadiista:
- Abuu Zurcata Raazi
- Abuu Xaatim Raazi
- Imaam Tirmidi
- Imaamu Muslim
- Muxamed ibnu Muslim al Marwuzi
- Ibnu Khuzeyma
- Abul Cabaas as-Siraaj iyo Culimo kale oo badan.
Kutubtiisa
- ( Waa kitaabka ugu saxsan Qur’aanka kadib Jaamic Assaxiix
- Adab Al Mufrad
- Rafcul yadayn fi salaa
- Al Qira’atu khalfa al imaam
- At-Tariikh Al Kabiir
Imaamka taariikh nololeedkiisa waxaad ka heli kutub badan sida: Tadhkiratul Xufaad ee uu Qoray Dhahabi. Dhabaqaatu Shaaficiya ee uu qoray Taajudiin a Subki, Tahdhiib a Tahdhiib ee uu qoray Ibnu Xajar , Al Bidaaya wa Nihaaya ee uu qoray imam Ibnu Kathiir iwm.
Geeridiisii
Imaamka wuxuu ku geeriyooday meel la yidhaado Khartanik oo ku taal Samarqandi. Waxaana la oofsaday habeen Sabti ah salaada cishe kadib. Waxayna ahayd habeenkii Ciidul Fidri, waxaana la aasay maalinkii ciidul fidriga salaada dhuhur kadib. Sanadku markuu ahaa 256 Hj. Isagoo markaa jira 62sano.
Imaam ibnu Kathiir waxuu ku sheegay kitaabkiisa “Al bidaaya wa nihaaya”, imaamku wuxuu ka tagay cilmi anfacay dhammaan Muslimiinta oo dhan oo cilmigiisu muu go’in weli” .
Guuleed Maxammed Yaasiin Dalxa
Jaamacadda Gollis, Kuliyadda Shareecadda iyo Daraasaadka
0634839797
IMAAMU MUSLIM Qaybtii labaad ee halyaydii ummadda iyo hanaqaadkii diinta
Magaciisa & Nasabkiisa
Abul Xusayn Muslim ibnu Al-xajjaaj Al-qushayri Al-nisaabuuri , waxuu ku dhashay magaalada Nisaabuur, oo ku taal waqooyiga bari ee dalka Iran.
Aabihii waa Xajjaaj Bin Muslim Al-Qushayri, waxuu ku barbaaray guri cilmi iyo cabsidda Alle hoy u noqotay.
Waxuu barashada cilmiga bilaabay isagoo yar, maadaama aabihii ahaa nin cilmi lehna waxay taasi u fudadaysay inuu noqdo mid deegaan imaan iyo cilmiba leh ku dhex jira , waxaana la tilmaama isagoo 12 jir ah inuu bilaabay inuu xadiithka raadraaco.
Shuyuukhdiisa uu cilmiga ka helay
Waa badanyihiin culimada uu cilmiga xadiithka ka dhaxlay, waxaana lagu sheegaa inay gaadheen 220 caalim.
- Xagga Makka Waxuu cilmiga ka qaatay ,Cabdullahi Bin Maslama Al-Qacnabi, waana sheikhiisa ugu wayn ee uu ka qaatay badanka cilmiga xadiithka.
- Yaxya Bin Yaxya Al-Nishaabuuri Al-Tamiimi
- Saciid Ibnu Mansuur iyo kuwo kale oo badan.
ARDAYDIISII
- Cali bin Al-Xasan Bin Abii Ciisa AL-Hilaali
- Ibn Abii Xaatim Al-Raaz
- Abu Ciisaa Al-Tarmidi
- Ibnu Khusaymah .
Kutubta uu qoray Imaam Muslim
Kutubta uu allifay Imaam Muslim way badanyihiin waxaana la sheegaa in qaarna la hayo qaar kalena aan qoraalkoodii la haynin, waxaana ka mid ah:
– Kitaabu Assaxiix waana kan ugu caansan kutubtiisa( Saxeexu Muslim)
– Kitaab attamyiiz.
– Kitaab al Cadli
–Kitaabu Al wuxdan.
– Kitaabu Al Aqraan.
– Kitaabu mashaaiku Maalik.
– Kitaabu Mashaaikhu Athawrii.
– Kitaabu Al Mukhadramiin.
– Kitaabu Awlaadu Assaxaaba.
– Kitaabu Awhaamu Al Muxadithiin.
-Kitaabu Addabaqaat.
– Kitaabu afraadu Ashaamiin.
Ammaantii ay ka yidhaahdeen Culimadu
Waxa uu yidhi Abuu Quraysh Al-xaafid, “Xuffaadda adduunku waa afar.”
Abii Zurcah Ad-Dimishiqiyi
Muslim Annaysaburiyi
CabdAllaah Daamiriyi
Iyo Muxammed Bin Ismaciil Al-Bukhaari
Waxaa kale oo uu soo weriyay Abuu CabdAllaah Al-Xaakim, in Maxamed Bin CabdulWahhab Al-farraa’ uu yidhi, “ Muslim Bin Xajjaaj waxuu ahaa Culimada Ummada iyo weelka cilmiga.“
Waxaa uu yidhi Sadiiq Bin Xasan Al-Qannuuji, oo ah saaxiibka qoray kitaabka “ Abjad Al-culuum “ Waxuu ahaa Imaam Muslim Bin Xajjaaj mid ka mid ah Culimadii Xuffaada Xadiithka ahaa, iyo kan ugu cilmiga badan Muxadithiinta Khuraasaan Imaam Bukhaari kadib.”
Dhimishadii Imaam Muslim.
Imaam Muslim waxuu noolaa 55 Sano, waxaa lagu aasay oo uu ku dhintay magaaladiisa Naysaaburi sannadkii 261 Hijriga, RaximahuAllaah.
Guuleed Maxammed Yaasiin Dalxa
Jaamacadda Gollis, Kuliyadda Shareecadda iyo Daraasaadka
0634839797