Hambalyadii Dhalinta Iyo U Han-Waynida Siyaad.W/Q: Cabdi Fanax Ciise

0
34

Marka qalad la saxaa

qummanida la raadshaa

marka beentu qadaf taa

runta loo qushuucaa

qorrax toosh la qaatiyo    ………Abwaan weedhsame–

27kii Disember 2014, waxa ay ahayd maalin ku suntan in la qabto shirwaynihii 7aad ee ay dalladda dhallinyarada ee Sonyo yeelato. Waxa ay ahayd maalin taariikhiya oo loo feedhanaayey doorasho iyo loollan adag oo ka dhex aloosma dalladda. Waxa laysku diyaarinaayey oo ninba ninkii uu ka tun iyo talo waynaa, qorshanaayey maalintaas.

Mahad waxa iska lahaa Allaha {swc} hirgaliyey maalintaas sida wayn loo dhawraayey, waxa maamuus iyaguna iska lahaa dadkii soo qaban qaabiyey soonna aggaasimey xafladdaas. Hawgu horreeyaan xubnaha sharafta mudan ee dalladduye. Wax iyaguna ka qayb ahaa xubin sharafeedyo uu ugu horreeyo Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Mud Cali Siciid Raygal, Boobe Yuusuf Ducaale, Muuse Biixi Cabdi, Wasiir ku xiggeenka Qorshaynta Mud Xasan Dhinbiil iyo rag kale oo culus isugu jirana mucaarid iyo muxaafidba. Warbaahinta ayaa iyaguna qayb libaax ka ahaa shirwaynaha.

Waxa la furay siddii ballantu ahayd shirwaynaha iyadoo loo dhan yahay, inkasta oo ay xubno dhawr ahi maqnaayeen. May noqon karayn haddana qaar tiro dhantaal ah.

Waxa amaan mudnayd, sida qurxoon ee shirwanaha loo furay. Waxa farxad iyo rayn-rayn ahayd sida wacan ee looga hadlay, waxa iyana wanaag ahayd sida wareegyada doorashada loo galay.

Ergooyin badan ayaa madasha ka muuqday, martida lafteeda ayaa ka ahayd garsoor. Inkasta oo gobolada laysaga yimid dhammaan xubnaha dalladda ayaa goob joog iyaguna ahaa. Maalintan oo kale waxa aan u malaynayaa in aannay hore u soo marin dalladda dhallinyarada Somaliland ee Sonyo, waayo waxa ay ahayd mid dhammaan ba ka duwan maalmo badan oo dalladda ay hawlo noocan ahi ka jireen.

Dareenka maalintaa laga qabay iyo rejada loo lahaa shirwaynahaas 7aad, waxa ay noqonayeen mid keenta faallo iyo falanqayn toggan. Waxaana loo hanqal taaggayey habka iyo hanaanka ay doorashadu u dhacayso. Se may noqon mid keenta faddeexad iyo faallo xun, oo waxa ay noqotay mid laga gaadho guul 30kii Disember isla laba cisho kadib.

Waxa is waydiin iyo warcelin la galay laba cisho, labadaas oo isu tanaasulku adkaaday. Sababta keentay arrintaasina waxa ay ahayd, xubnaha loollamayey oo ahaa qaar adadag oo lagu tuhmaayo karti iyo dedaal dheeriya. Waxa la saaddaalinaayey warka ka soo yeedhi doona guddi dhex-dhexaadineed oo loo saaray markii lays mari waayey. Guddidaasna waxa ka mid ahaa :

  1. Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal
  2. Maxamed Baarruud
  3. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax
  4. Boobe Yuusuf Ducaale
  5. Maxamed Shukri
  6. Mustafe Sacad Dhinbiil
  7. Dr Aadan Abu Bakor

Dhammaan kuwaas oo u guntaday siddii xaaladdu u gaadhi lahayd, mid laysu tanaasulo. Waxaana madashaas si aqlabiyad ah loogu doortay guddoomiye Siyaad Cali Cumar, isla markaas na loo hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee loo doortay dalladda. Guddoomiyahaas oo hayn doonna labada sanno ee inagu soo foodda leh.

Waxa isna loo doortay guddoomiye ku/xiggeen Cabdiqani Maxamuud Jiidhe. Waxaana madhashaas ka hadlay guddoomiyihii hore ee dalladda Sonyo Mud Mubaarig Ismaaciil Taanni. waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Waxa aan leeyahay guddoomiyaha cusub ee sida rasmiga ah loogu doortay madashan, si aqlabiyad ahna loo siiyay codka iyo ku/xiggeen kiisaba halkaa kasii wada dalladda oo dadaalkiina oo dhan isugu geeya, sidii ay dalladdu halka ay maanta taaggan tahay ugu sii amba-qaadi lahaydeen. Waannan idiinku ducaynayaa xilka aad qaadeen, in Illaahay idinku asturo”.

Waxa isna ka hadlay madhasha oo hadallo koob kooban ka jeediyay guddoomiyaha cusub ee dalladda Sonyo, Mud Siyaad Cali Cumar. Waxaanu yidhi “Sharaf weyn ayay ii tahay in aad codkiina i siiseen. Taariikh weyn ayaad samayseen iyada oo markii ugu horraysay aad doorateen xubno ka soo jeeda darafyada Somaliland, tani waxa ay muujinaysaa wax wada lahaanshaheena. Waxa ay na siinaysaa kalsooni aan dhallinyarada ugu adeegno. Xubnaha kooban ee innaga maqnaaday waxaan ku dadaali doonaa in aan keeno Sonyo. Dalladdani waa mid tisqaaday oo aan marnaba looga baqanayn in ay xagal daacdo. Waa ballan in aan xubnaha yar ee innaga maqan si sharaf leh kalsooniddooda u heli doono maadaama intii badnaydba na siiyeen”. Hadalkaas guddoomiye Siyaad jeediyay kadib waxa aad loo rejaynayaa in xubnaha intii gogasha ka kacday dib ay ugu soo laabtaan, isla markaasna xil wareejinta si niyad sami ah uga soo qayb galaan.

Waxa si rasmiyana loo soo xidhay shirwanihii iyadoo wareejinta loo balamay 30cisho kadib. Guntii iyo gunaanadkii waxa la dareemayaa in ay guul ku soo dhammaatay doorashadani. Waxaana lagu han-waynahay in guddoomiye Siyaad iyo ku/xiggeenkiisa Cabdiqani ay wax badan ka beddeli doonnaan arrimaha dalladda iyo halka ay taaggantay maanta, waxaana laga naawilayaa in ay horusocod iyo han horseeddaan. Dhammaan dhallinyaraduna wax ay leeyihiin

“Badweyn liqday miiq irbada

Inuu Markab dhami dul maro

Nin maamiyey oo fikiray

Wax maangala buu ka dhigay

Midhaa waxan uga socdaa

Caqliga maaxdee godladay

Inuu xallin karo mashkalad.”. Weedhsame

Dhammaad

Hargeysa Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here