Hargeysa(Hubaal)Xaflad Meher ah oo Si Heer Saro Ah Loo Soo Agaasimay Luugu Soo Geed Fadhiistay Mid Ka Eheladda Suldaanka Guud ee Ciise Muuse Suldaan Cismaan Cali Kooshin ,isla markaana kulmiyey holdoorka wadanka,laguna soo doonay Marwo Marwo Nimco Saleebaan Cali Kooshin. Xafladdan oo ka dhacday maanta Oo Taariikhdu Tahay 9/09/2018 Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa,isla markaana ahayd mid si heer sare ah loo soo Agaasimay kana soo qayb galeen masuuliyiin fara badan oo iskugu jirta siyaasiin,Salaadiin,hogaamiye dhaqameedyo iyo,Salaadiin,Madax-dhaqameedka-Cuqaasha,Waxgaradka, dhalinyarada,aqoonyahanka iyo Dhamaanba Haldoorka kala guursaday. Ayaa Waxa ka Soo Qayb Galay Suldaanka Guud ee Ciise Muuse Suldaan Cismaan Cali Kooshin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Aadan X Cali Ganacsade Farxaan X Cali Ganacsade Farxaan liibaan Xildhibaan Maxamuud jaaamac X Cilmi Dable Agaasimaha Guud ee warfaafinta Mudane Maxamed Aadan Ilkacase Axmed Macalin Maxamuud Cali Cabdi Jaamaca Sacad Cabdi Jaamac Mustafe Cali Yuusuf qaar ka mid ah hal-doorka labada dhinac ee kala guursaday Waxaana Sidii Soomalidu ku Caan baxday, kuna Qotontay Diinteena Suuban, si Gacltooyo iyo kala raali ahaansho ay ku dheehan tahay laysu waydiistay laysuna siiyey lamaanaha is doortay Isla markaana Gacmaha laysku dhaafsaday laguna kala Gudoomay, sidii Caadadu ahayd Sooryo Qaran iyo Gabaati Gobeed.
Xildhibaan Cabdale Sandheer oo xafladaasi ka haday ayaa hadalo soo dhawayn ku qaabilay dhinacyada kala gudoomayey reerka cusub,waxaana uu hadalo Duco iyo Dardaaran iskugu jira halkaasi uga jeediyey qoysaska cusub ee is guursaday,waxaana uu tilmaamay in Yaasmiin daah fur u tahay dhinac guurka hablaha maxaa yeelay wal xaga raga ayuunbaa nagu badnaan jiray. “Runtii waxaan halkan doonayaa inaan ka hambalyeeyo,isla markaana uga Duceeyo xafladda meherka Nimco Saleebaan Cali Kooshin oo ka mid ah Haweenka Dhakaatiirta Caafimaadka Somaliland, oo maanta loo fadhiyo doonisteeda ayaa waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu ka dhigo reerkii lagu nasto ee lagu nagaado ubad khayr qabana kala hela, “Waxaana aan jecelahay inaan mid xasuusiyo qoladda nala soo xididay ee ninta naga doonaysa una sheegayaa Nimco waa qof aad noogu wayn oo nagu qaali ah markaa waxaanu kaa codsanaynaa inaad ilaaliso oo aad si wanaagsan u dhaqdo. Dhanka kale waxa isaguna halkaasi hadal kaftan iyo duco ah ka jeediyey munaasibadaasi meherka ah Madax-dhaqameedka qaraabadda kala guursatay. Madashan laysku gu Guurinaayey lamaaanahan is is Calmaday oo ahayd mid qaab-maamuuskeedu aad u qurux badnaa ayaa waxa Masuuliyiintii iyo marti saraftii tirade badnayd ee meesha iskugu timi ay si siman ugu Hambalyeeyeen,uguna duceeyeen Qoyska cusub ee soo kordhay Boqorka Cabdi Qaadir Xaashi Maxamed Iyo Marwadiisa Nimco Saleebaan Cali Kooshin.
Gabagabadii waxay Alle uga baryeen inay Guul ka gaadhaan Hadafkooda Nololeed kuwii ku noolaada farxad,Guul iyo barwaaqo Ubad kheyr-qabana kala hela, gurigii lagu nastee lagu nagu nagaado Raboow ka yeel. Ameen
Geesta Kalena waxa Salaan taasi la mid ah hawadda u mariyey Dhammaan Qoska reer Saleebaan Cali Kooshin oo kala ha Hooyo Safiya Ciise Bare Maxamed Saleebaan Cali Kooshin Faadumo Saleebaan Cali Kooshin Axmed Saleebaan Cali Kooshin iyo dhammaan reer Cali Kooshin