SubmitWaxay lahaayeen quluub isu soo jeedda, indhahoodu waxay mar walba qaban jireen aduunka oo hayyaamaya, sahankooduna muu ahayn mid hilaadiya hal baarkeed, waxay ogyihiin inta Maxas, Cayddi, iyo Cirroolle sugaysa, xataa may mooganayn mayeedhaanka.
Xil-kasnimo daraadeed si aanu hayaanka maatadu u habaabin waxay hilaadin jireen ugu sokayn hal-fadhigeed. Dhexdooda wax xifaaltani kamuu jirin, waxay la tartami jireen umadaha kale, bulshadu danta guud ayay ku ogayd, waxay higsan jireen cidda wax dheer, haday tahay cilmi,hurumar, iyo dhamaanba wixii hoos yimaadda. Waxay la socdeen wakhtiga, illeen waa muraayaddii bulshada oo si hagar la’aan ah u jira hawlihii loo igmadee, markay geediga lallabaan may hungoobi jirin ,, hadaba waxa masallo lala yaabo ah hormuudkii,hal-doorkii,iyo hagayaashii ummada afka soomaliga ku hadasha muunadda u ahaa ee gaadhka ka hayay hab-sami urraad dhaqaajiska ilbaxnimo ku tallaabsiga dadka isla markaana raaci jiray ee jirayaasha ka ahaa, xuquuqda xigashada xalaasha ah. Iyo kala xadaynta Curiyeyaasha da’ada yar ee soo kacaya iyo kuwii horeba baadi-soocdooda: haday tahay suugaan,siyaasad,afkaar, isla markaana si biyo kama dhibcaan ah ugu hawlanaa kamidho dhalinta xaqiiqda sooyaalka Isirr ama Sinji ahaaneed ee soojireenka taariikheed.
Waxa ay u badnaayeen dad ummadda dhexdhexaad ka taagan oo ka shaqeeya maslaxadda, aayaha, isu fayoobaanta, iyo dhawrista xuquuqda qoraalka,daabacadda,, waxaanad ku garan kartaa in ay inaga dhiseen yagleelka oo salka u dhigeen bulshada oo ku rideen tubta aqoonta si aynu asaageen wax ula qaybsanno, waxaad arki jirtay asalka ab ahaneed oo meel ku suntanaa, gabay kasta iyo hees kasta oo qofkii lahaa ku suntanaa, fikir kasta oo qofkii keenay samaantiisa iyo xumaantiisaba uu ku suntanaa, in lagu xurmayn jiray laguna ixtiraami jiray oo qof walba loo ilaalin jiray xuquuqda tixraaca waxa uu hal-abuuray,, waxay asaaseen fan iyo masrixiyad gogol-dhig u ahayd noolaynta dhaqankii iyo hiddihii,.. ugu danbayn waxay salka u dhigeen far lagu qoro afka , oo looga faa’iidaystay dhamaan qabyooyinkii inaga dhinnaa oo uu ugu horreeyay (QORAALKU) markaa wixii ka danbeeyay ayaa waxa loo tafa xaydtay in bal wax la qoro, hadaba inkasta oo wax badanoo faa’iido leh la qoray. sida Buug, ardaayo laga jeexday internetka, idaacado laga aloosay hawada, sawir-sideyaal layska daawado la ebyey.
Haddana waxaad moodaa in beryahan danbe badiba aaladahaa war-baahinta iyo qlinka wax qoraba. Cidda gacanta ku haysa, midkoodba sida uu jecelyahay uu wax u dhigo, ama wax u sheego, waxa cadayna: xilligan waxay indhahaagu qabanayaan Buug qoran oo laysku haysto, Gabayo hore loo tiriyey iyo kuwo cusub oo laysku haysto, heeso hore loo qaaday iyo kuwo cusub oo laysku haysto, Fikirro qof ku suntanaa oo mid kale lagu sheegayo, Isirkii umadda oo qofba xaga uu jecelyahay ku aroorinayyo, walax ama shay la taaban karo oo qofba si u qeexayo, Hadalba gunllehe waxa is waydiin mudan maxaa sababay in arrimahani ay dhacaan oo isbedelkani yimaado?. -: waxa keenay (Xuquuqda xigashada xalaasha ah)oo aan xil la iska saarin,. Dadka oo isu laab xaadhnaantii ku yaraatay ,. Meel loo noqdo oo marjac ah oo looga marti noqdo sixitaanka taariikhda,suugaanta,siyaasada, oo aan jirin,. Kaydkii saxda ahaa oo badhna ku dhex milmay waxaa, Inna cidii haysay qol ku xidhatay!!!, tusaale: maanta qofka dhalinyarada ah ee is yiraahda wax ka qor gabyaa hore oo dhintay, waxaynu aragnaa isaga oo qoraagii leh. Tixdaa oday hebelbaan ka soo helay, tixdaana cajalad uu marxuumku duubaybaan ka helay:-. kidaa wa kidaa..!!!! taasi waxay caddayn u tahay inaan weel kayd jirin.
Su’aasha kale ee iswaydiinta lihi waxa weeye: sawkuwan TV-yo,Website-yo,Qoraayo,Jariirado. Intuba jiraan maxaa dhacay?:- haa way jiraan waa rrun lakiin waa (KOOXO) dadkuna kooxahaas ayuunbay kala raacsanyihiin… dadkuna waa laba qaybood(Nin nin sita, iyo Nin nin saaran) oo macneheedu yahay nin cid amaanaya iyo nin cid caayaya, dhex-dhexaadkii iyo jirayaashii danta guudna meesha ka bexeen,!!! Inta yar ee kayd saxa laga heli karayayna qolbay ku xidheen qufulna waa saareen, kadib waxaad mar-mar maqlaysaa qolka kaydka ;
TV-hebel ama Idaacad Heblaayo; ayaannu cajaladaa idiinka soo saarnay hadii kaydka qolalka lasoo guri lahaana waxa laga baqayaa, in tixraaca iyo xigashada aan la siin cidii xaqa u lahayd,,,.. waana jiraa midhkaasi oo waynu ku dhaqannaa..
Hadalba gun lehe dhamaan warbaahinta, qoraayada,fanaaniinta, nin tooxsiga hala dhaafo. waxaan leeyahay: waar ummadda yaan la jiha habaabinne markaad wax ururinaysaan ama wax lawada leeyahy daah-fur ku samaynaysaan. haw eegina.
Kala qabiil ama kala dawlad ee (XOGTII RAADIYOO XAQIIQDA HUBSADA) dadka qaybahaa bulshada hoos yimaadda ee faafiye-yaasha ahna waxaan leeyahay, (HAMBEE XIGASHADOO, HEL KAYDKA QARSOON). Alle haynagu anfaco:
Qaraami1987@hotmail.com
Sakariye Saxardiid