W/Q: Cali Xasan Cawaale
Waxay ahayd arrin dareen iyo shucuur ku abuurtay dhamaan-ba bulshada Somaliland ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka , taasi guud ahaan bulshada Somaliland si weyn usoo dhaweeyeen , hanka uu la yimid Wasiirka Caafimaadka jamhuuriyada Somaliland, ee ah in uu iso soo sharaxo isla markaana ku tartamo jagada musharaxa madaxweyne kuxigeenka ee Xisbiga kulmiye dhexdiisa, arrintan oo ahayd arrin aad u xiiso galisay, bulshada Somaliland, isla markaana taageero badan ay bulshadu ugu muujisay Wasiir Xaglo toosiya, waxay noqonaysaa tii kowaad ee saaxada Xisbiyada siyaasiga ah uu soo istaago, shakhsi ka soo jeeda Gobolada bari, siiba( Beelaha Harti) asagoo u tartamaya madaxweyne kuxigeen, marka laga Reebo, Urur Siyaasadeedki, Xaqsoor, kaasi oo aan u soo gudbin darajada Xisbi, balse markiiba soo qadimay, kuna saleeyay qaabdhismeedkiisa, in siyaasi ka soo jeeda goboalda bari gaar ahaan beelaha Harti uu ka noqdo urur siyaasadeedka xaqsoor, guddoomiye kuxigeenka ururka isla markaana hadii ururku usoo baxo noqonayey Musharaxa madaxweyne kuxigeenka, ee u tartami doona ururkaasi Xaqsoor , nasiib daro se may dhicin laakiin, arrintaasi uu ku dhaqaaqay ururkaasi waxay jidaysay , in maanta Wasiir Xaglo toosiye, oo runtii ah nin u qalma hankeedana la yimid uu mudo yar oo kooban isu soo taago Musharaxa madaxweyne kuxigeen ee Xisbiga kulmiye kuna tartamo. Taasi oo noqonaysa taariikhda markii kowaad mudadii ay jirtay Somaliland ee u siyaasi ka soo jeeda gobolada bari, ku tartamo jagadan. Haddaba arrintan oo mar hore iyo mar danbaba u banaan siyaasiinta gobolada bari Xaqna ay u leeyihiin balse u muuqatay mid wakhti aan fogayn lagu baraarugay, marka la eego dhinaca Asxaabta qaranka iyo dhinaca Siyaasiyiinta ka soo jeeda Goboladda bari , iyo waliba bulshada Somaliland ba waxay aad usoo jiidatay dareenkii bulshada Somaliland, kuwaaso oo taageero balaadhan bari iyo galbeedba u muujiye. Waxa iyana meesha ka madhanay in ay arrintani ahayd mid muhiimado faro badan u leh bulshada iyo dalka jamhuuriyada Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin :-
- In iyaasi ka soo jeeda gobolada bari, oo dalka madaxweyne kuxigeen ka noqdo ay tahay mid u adeegaysa muhiimadna u leh midnimada bulshada Somaliland .
- sidoo kale waxay dhiir galinaysaa soona dhawaynaysaa Bulshada iyo siyaasiyiinta Ka soo jeeda Goboladda,bari ee Somaliland
- Muhiimada kale ee arrintani leedahay ayaa noqonaysa mid wadada u xaadhay siyaasiyiinta goboladda bari, wakhti dhawna ay ku guulaysan doonaan kurisiga labaad ee hogaanka dalka.
Ugu danbayntii waxaan Soo dhaweynayaa una hambalyeynaya Hanka uu La yimid Wasiir Xaglo toosiye, waxaanan leeyahay waa run sidii aad sheegtay tartanku hada ayuu bilaw yahay, oo manta ayay kow tahay laakiin waxa u noqon doona mid jiri doona abid, balse looga fadhiyo siyaasiyiinta gobolada bari inay la yimaadaan dedaal iyo dardar siyaasadeed , oo aad sidan oo kale uga tartamaan labada xisbi ee kale, maadaama ay tahay arrin ay xaq u leeyihiin inay u tartamaan jagada madaxweyne iyo ku-xigeenba isla markaan ay ula siman yihiin siyaasiyiinta kale ee dalka jamhuuriyada Somaliland bari iyo galbeedba.
Asxaabta kale ee qarankana iyagana waxaan leeyahay, hadii awal hore musharax madaxweyne ku-xigeenka , xisbiyadu u qoondayn jirteen siyaasiyiin ka soo jeeda Goboladda galbeed , maanta la isku soo korodh, ee waxa la idiinka fadhiyaa inaad bixisaan fursada iyo saaxada ay ku tartamaan siyaasiyiinta Somaliland bari iyo galbeedba, haday tahay jagada Musharax Madaxweyne, iyo haday tahay ta Musharax Madaxweyne ku-xigeenba.
Cali Xasan Cawaale
Agaasimaha Waaxda Gobollada Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL