Ilaahay sida roon hayna garadsiiyo. Dhamaan waxaan halkan ka salaamaya umada muslimiinta ah meel kastoo ay joogaan, gaar ahaana Soomaalida aanu isirka iyo abka wadaagno, siiba inta ku xidhan mareegaha Somalida ee aynu fikir iyo arrimo wadaaga nahay.
Intaas waxaa ii raacdaa oo aan manta jeclaystay in aan ka hadlo arrinta keydka haamahaa shidaalka ee hadal haynteedu inagu badatay in dhawaanahan.
Haamaha keydka shidaalka ee magaalada Berbera iyo hantid kasta oo uu qaranku leeyahay waxaa umada masuul uga ah dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo, hadii cid kasta oo maal gashanaysa haamaha shidaalka iyo dekada Berbera laga hor istaago sidee ayeynu aduunyda kula tartamaynaa? Qarykaa sidee ayaad u gaadhi, hadii aad horumar kasta diido?
Golaha wakiilada ee matala shacabka soo doortay ee reer Somaliland hore ayey masiirkii umada ugu ciyaareen! Hore ayey u saqiireen maanta waxaan aaminsahay in aanu jirin gole lagu kalsoonaan karo oo ka yimi shacabka. Sharaftii shacabka meel ayey kaga dhaceen, mar hadii ay ka hor yimadeen horumarkii uu shacabku u baahnaa.
Xukuumada Somaliland waxaan u soo jeedin lahaa, gaar ahaana madaxweynaha iyo cid kasta oo ay khusayso in aan dhag jalaq loo siin qof kasta oo duulaan ku ah horumarka shacabka iyo Somaliland. Hadii kolba qof warkiisa la dhagaysto waxaa meesha ka baxaaya hor-usocodkii dadka iyo dalkuba u baahnaayeen.
Guud ahaan wax hanti umadeed ah ee ay dawladu leedahay ama shacabka leeyahay ilaalinteeda waxaa ka masuul ah xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaanan leeyahay shacabka reer Somaliland meel kastoo ay joogaan kala gartay samaha iyo wanaaga, kala gartay xaqa iyo xaq darada, kala garta cadawgiina iyo nacabkiina, kala gartay sama-wadayaasha iyo xumaan wadayaasha.
Waxaa inoo balan ah ka shaqaynta horumarka, danaha shacabka iyo ilaalinta nabad galyda.
Qalinkii: Mustafe Cabdi
Cmustafe99@gmail.com