HAQAB-TIRE: Daah-Furka Buug Koobsaday Axkaamta Soonka, Sakada & Ciidda Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

0
106

Hargeysa (Hubaal) Xaflad aad loo soo agaasimay isla markaasina ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ay kamid yihiin siyaasiin, xubno ka tirsan xukuumadda, aqoonyahanno iyo dhalinyaro tiro badan ayaa habeenkii xalay lagu qabtay huteel Summer Time ee magaalada Hargeysa.

Madashan oo lagu daah-furayay buug uu qoray Guuleed Maxamed Yaasiin (Dalxa), kaasi oo la magac baxay Haqab-tire ayaa xambaarsanaa faa’iidooyin badan oo dhanka diinteena suuban ah. Buugga Haqab-tire ee habeenkii Xalay lasoo bandhigay ayaa ka hadlaya ama koobsanaya axkaanta bisha barakaysan ee Soonka, Sakaatul-fidriga iyo Ciidda, kaas oo qoraaga buuggu Guuleed dalxa uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada ku dhalisay inuu buuggan oo luuqada afka Soomaaliga ku quran uu qoro isla markaasina usoo bandhigo bulshada afka Soomaliga ku hadasha, ugu horeyn qoraaga oo ka hadlaya ayaa yidhi “buuggan la yidhaahdo Haqab-tire oo aanu muddo qoraynay waxa uu ka hadlayaa axkaamta Soonka, Sakada iyo Ciidda, qaybo badan ayuu buuggu isugu jiraa markaa inta badan waxa uu buuggani xooga saaraya xaga axkaamta diiniga ah ee xaga Soonka ku aadan. Waxyaabaha nagu kalifay ee kale waxa kamid ah su’aalo inta badan soo noqnoqda oo culimada inta badan la waydiiyo oo ku saabsan Soonka, kadib markii aanu aragnay su’aalihaasi inay marwalba soo noqnoqonayaan waxaanu is nidhi markaa in su’aalahan laga dhigo buugga, kadib buuggan ayaanu bilownay sannadkii hore, ilaa waxaanu soo xiganay konton kitaab, waxaanu ku dedaalnay inaanu afafka kale ama luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga aanu aad dhinac isaga riixnay oo aanu inta badan isku daynay inaanu afka Soomaaliga ku qorno ama usoo qaadano erayga Soomaali ee sax ku ah oo aanu u adeegsanay.” Ayuu yidhi qoraaga buugga Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

Sidoo kale qoraaga Buuggan Guuleed “dalxa” waxa uu mahadnaq iyo boggaadin isugu jirta usoo jeediyay shirkadda daabacaada casriga ah ee Sagaljet oo iyadu qayb laxaad leh ka qaadatay inuu buuggan qiimaha badan xambaarsani ifka usoo baxo, iyo abwaan Yuusuf Shaacir oo isagana uu sheegay inuu ka caawiyay dhanka afka Soomaaliga ereyada qaar oo qoraaga buuggani sheegay inuu kala kaashaday

Masuuliyiintii dhammaan madashaasi ka hadashay ayaa si isku mid ah uga hadashay faa;iidooyinka uu buuggani u leeyahay bulshada afka Soomaaligaku hadasha iyo sidoo kale xiliga lasoo bandhigay buuggan, Waxaanay mahad balaadhan usoo jeediyeen qoraagga buugga oo ku dhiiraday inuu dad badan uga faa’iideeyo aqoontiisa.

Gebogebadii waxa ay martidii kasoo qayb gashay madashan ay goobta ku iibsadeen buugga, halkaasi oo uu u saxeexay qoraagga buuggani Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa” Dhammaan dadkii iibsaday buuggaasi.

daah-furka-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here