Hargeysa: Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Axmed-Yaasiin Xaaji Abu-site

0
15

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, shir-gudoonka Labada Gole, Wasiirro Iyo Madaxda Mucaaridka Oo Ka Qayb-Galay Aaska marxuumka

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas ballaadhan oo xabaalaha Xaraf ee duleedka Caasimadda Hargeysa shalay loogu sameeyey Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site oo habeen hore geeriyooday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site kala qayb-galay shir-guddoonka golaha wakiillada, hoggaanka axsaabta qaranka, wasiirro, xildhibaanno, ganacsato iyo boqollaal kamid ah mudanta reer Somaliland, kuwaas oo marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelka iyo qaraabadana samir iyo Iimaan u rajeeyey.

Madaxweyne Biixi oo Ka qaybgalay Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Abusite

Xubno kamid ah  madaxda qaranka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday Xusuusta marxuumka iyo guud ahaanba qoyska reer Abu-site ee uu kasoo jeeday oo taariikh dheer ku leh Somaliland, waxana ay Eebbe uga rajeeyeen inuu jannooyinkiisa ku casuumo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa marxuumka ku tilmaamay haldoor ku dayasho mudnaa oo ka baxay bulshada reer Somaliland, islamarkaana safka hore kaga jirey ka qaybqaadashada arrimaha khayriga ah, isaga oo Eebbena uga baryey inuu janneeyo.

Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site, ayaa kamid ahaa dadka caanka ah ee reer Somaliland, isaga oo ka soo jeeday qoys taariikh dheer ku leh ganacsiga iyo arrimaha Khayriga ah ba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here