HARGEYSA: Beel Cumaamada U Cusboonaysiisay Caaqil Labaatan Sano Ka Hor Ay Caleemo Saareen

0
12

Hargeysa (Hubaal) Waxa Deegaanka xeedho oo waqooyi kaga began magaalada Hargeysa, lagu caleemo saaray Caaqil Ismaaciil Xaaji Yuusuf (Ismaaciil Xaaji Weerar). Xafladan lagu caleemosaarayay caaqilka ayaa waxa kasoo qaybgalay culimaa’udiin, dhalinyaro iyo waxgarad. Waxgaradka goobtaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay caaqil la caleemosaaray. “Waxaan hambalyaynayaa caaqilka cusub oo aanu u wada saxeexnay haddaanu nahay caaqiladii beesha reer Gadiid, maantana waanu cusboonaysiinayaa dadkuna waa garab taagan yahay, waananu garab taagan nahay, waxaan leeyahay Illaahay hala qabto.” Sidaasi waxa yidhi Caaqil Kayse Xasan Axmed

“ismaaciil Xaaji Yuusuf oo in badan reerka caaqil u ahaa, dedaal iyo kartina ceeb la’aan muujiyay, waxaanu maanta u cusboonaysiinaynaa, rasmi ahaan inuu yahay caaqilkii labada beelood Yuusuf iyo Beyle, sidaas baanan ugu ducaynaynaa in Illaahay ku garab galo.” Sidaasi waxa yidhi caaqil kamid ah beesha.

Dhamaan waxgaradka iyo cuqaasha iyo dhalinyaradii kasoo qaybgashay caleemo saarka caaqilka cusub ayaa si kal iyo lab furan ah usoo dhaweeyeen Caaqil Ismaaciil Xaaji Yuusuf (Ismaaciil Xaaji Weerar), isla markaana uguna duceeyay in Illaahay ku garab galo xilkaasi loo igmaday Caaqil Ismaaciil Xaaji Yuusuf (Ismaaciil Xaaji Weerar).

Ugu dambayn caaqilka la caleemo saaray Caaqil Ismaaciil Xaaji Yuusuf (Ismaaciil Xaaji Weerar) ayaa sheegay inuu wax badan u qaban doono deegaankiisa iyo guud ahaan Somalilandba, waxaanu yidhi, “dhammaan waxaan u mahadnaqayaa dadka ii doortay inaan hogaamiye u noqdo, waqti labaatan sano ku dhawaad ayaan oo aan reerka caaqil u ahaa, ayaa maanta dib ay iigu sii caleemo saareen caaqilnimada iyo xilka aan usoo hayay mudadaas dheer, anigoo ah labadaba, Caaqil Ismaaciil Xaaji Yuusuf. Ma ihi caaqil ku cusub caaqilnimada, waxaan ahay caaqil can ah oo Somaliland taqaano, waqti dheerna caaqil ahaa. Caaqilnimadaydu ma noqon doonto dhaxal, caaqilnimadu waa caqli ee maaha dhaxal, ee waa sidaa madaxweynimada loogu doortay Muuse oo kale, waana wax muddo leh oo mudddad laguu doorto inaad xilka aad hayso, marka ay kaa dhamaato waad banaynaysaa. Labadaa beelood ee caaqilnimada ii doortay, waa laba beelood oo bah Cabaas baa nala yidhaa, oo waa Beyle Gadiid iyo Yuusuf Gadiid, aniguna reer Gadiid caaqil kamid ah ayaan ahay, Waxaan idiin ballan qaadayaa inaan noqdo caaqil reer Somaliland ah.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here