Muwaadinka madaxweynaha la magaca ah Oo la Baadhayo Inuu magaca Dhawaan Samaystay Iyo Inuu yahay Kii Uu Asal Ahaan u Lahaa
Hargeysa:(Hubaal)-Ciidamada nabad galyada wadooyinka ee magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay muwaadin ay ku eedeeyeen inuu la magac yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaas oo sida la sheegay madaxweynaha la wadaaga saddexda magac iyo naanaystaba.
Muwaadinka ay ciidamada nabadgelyada waddooyinku shalay xidheen oo sida la sheegay macallin ka ah mid kamid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Hargeysa ku yaalla, ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxana uu magacani fajaciso ku noqday ciidamada ammaanka oo iyagu go’aansaday inay baadhitaanno dheeraad ah ku sameeyaan.
Xogaha laga hayo xadhiga muwaadinkan magaciisa lagu haysto, ayaa sheegaya inuu gacanta ciidamada Booliska galay markii uu lacag usoo diray nin saaxiibkii ah oo ay ciidamada nabadgelyada waddooyinku ganaaxeen, kadibna ay ciidamadu magacan arkeen, isla markaana ay halkii uu joogay ugu tageen oo ay kasoo taxaabeen.
Muwaadinka la xidhay oo da’diisa lagu sheegay inaa 40-jir caan ka ah bahda waxbarashada, ayaa su’aalo badan la iska weydiiyey sababta ay madaxweynaha afarta magac uga siinaadeen, iyada oo ciidamada gacanta ku hayaana sheegay inay baadhitaanno dheeri ah kadib xorriyadiisa u celin doonaan.
Waa markii ugu horraysay qof muwaadin ah lagu xidho sabab magaciisa oo madaxweynaha soo galay la xidhiidha, waxana ay ciidamada ammaanku ku andacoonayaan inay ka baaraan degayaan oo xaqiijinayaan inuu muwaadinkani magaca leeyahay iyo inuu samaystay, waxana qisadani si weyn ugu dhex faaftay bulshada reer Somaliland oo ay intooda badani si weyn u dhaliilayaan.