Kontomeeyo Dumarka Hilibka Qala ayaa laga taxaabay Kawaanka Xoolaha lagu qalo…
Hargaysa(Hubaal)-Xoghayaha guud ee iskaashatada Hiliblaha ee NAFAQO Maxamed Cabdi Muxumed (Maxamed Foostari), iyo Kontameeyo qof oo kale ayaa goor dhawayd ay Ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen, kadib markii ay ku dhaqaaqeen Shaqo joojin.
Sida uu xaqiijiyey Xoghayaha guud ee Iskaashatada NAFAQO Maxamed Cabdi Muxumed (Maxamed Foostari) oo la hadlay Warbaahinta HWN, waxa uu sheegay in sababta loo xidhay ay tahay Shaqo-joojin ay ku dhaqaaqeen, taasoo uu sheegay inay keentay lacag lagu kordhiyey lacagtii yarayd ee ay ka qaadi jirtay shirkadda MAANDEEQ ee masuulka ka ah Maslakha ama Kawaanka xoolaha ee Caasimadda Hargaysa.
“Maalmahan-ba waxa Dooddi ka taagnayd lacag ay kororsatay shirkadda MAANDEEQ, lacagtaas mid aad u saraysa ayay ahayd, dabadeed haddaanu nahay Maamulka Iskaashatada hilibleyaasha ee NAFAQO arrintii markaannu dib u eegnay waxay noqotay wax aanay Hilibleyaashu qaadi Karin, markay halkaas marayso ayaa Maayar Cabdiraxmaan SOLTELCO arrintii soo dhex galay, lacagtiinna wax yar oo aan siddaa u sii badnayn ayuu ka jaray, balse waxay noqotay wax aan wali u cuntami karin Iskaashatadii Hilibleyaasha NAFAQO, markaa shaqaalihii Hilibleyaasha iyo dadkii Xoolaha qali jirey waxay go’aansadeen inay shaqo joojin sameeyaan, markaa imika annagoo joogna Kawaankii Xoolaha ayaa Ciidan Boolis ahi soo galeen, dabadeed waxay yidhaahdeen maxaad Xoolaha u qali waydeen, markii lagu yidhi ma jirto wax shaqo ah oo halkan ka soconaysaa, waxay xidheen dadkii meesha joogay oo Kontameeyo kor u dhaafaya oo weliba Hooyooyin u badan/” sidaa yidhi Xoghayaha Iskaashatada Hilibleyaasha NAFAQO Maxamed Foostari.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha dawladda ee ay arrintani khusayso, siiba kuwa Nabad-gelyada iyo daakhiliga qaabilsan, hase ahaatee waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee cadaadis intan le’eeg la saaro Hilibleyaasha oo in badan cabashadoodu soo taxnayd.