Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ah xoghayihii xafiiska ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ee Soomaaliya uu maalintii labaad ku xidhan yahay Hargeysa.
Laamaha ammaanka ee Somaliland wax war ah kama aanay soo saarin xadhiga mas’uulkan, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Cabdiqani Yaasiin Maxamed ay ciidanka boliiska ee Hargeysa ka soo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa oo ay xidheen.