Hargeysa: Ciidanka Booliska Oo Xidh Xidhey Nayjeeriyaan Lacago Faalso Ah Ku Dhex Samaynayay Gudaha Somaliland

0
8

Tliyaha Ciidaanka Laanka Socdaalka Somaliland Oo Ka Warbixiyey Saddex Nin Oo u dhashay Nigeria Oo Lagu Qabtay Lacago Foojeri Ah Iyo Qalabkii Ay U Adeegsanayeen Samaynta Lacagaha Been Abuurka Ah

Hargeysa (Hubaal) Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa qabtey saddex ruux, kuwaasoo lagu eedeeyey iney sameynayeen lacag been abuur ah.

Tliyaha ciidaanka laanka socdaalka Somaliland oo hoggaaminayey ciidanka qabtey dadka lasoo xidhey, Maxamed Cismaan Caalin Dayib, ayaa sheegay in dadkan la qabtey ay u dhasheen dalka Nayjeeriya.

Taliyaha ayaa carabka ku dhuftey in ragga xidhan lala soo qabtey qalab, kuwaasoo uu ku tilmaamey iney yihiin kuwo lagu muto dambi. Booliiska ayaa uggu danbeyntii sheegay in dadka lasoo qabtey la maxkamadeyn doono. “Ragga halkaa taagan oo triradoodu saddex dhan tahay, waxay kasoo jeedaan dalka Nageria. Eeda halkan loo keenay waxay tahay qalabka halkan aad ku arkaysaan, waa qalabka laga sameeyo lacagaha. Waxanu hore ugu sheegnay baanka Somaliland iyo dadka lacagaha ku hawlan inay ka digtoodaan gobollada ay la socodsiiyaan. Waxa halkan yaala waa wax dhaqaalaheena inta aynu haysanaba lagu shuban karo oo ay ku gali karto gacanta nimanka halkan jooga (saddexda nine e ajaaniibka ah).” Ayuu yidhi taliyaha laanyta socdaalka oo shalay warbaahinta la hadlayay

Taliyuhu ma uu sheegin cidkale oo loo qabtay gacansiinta raggan ajaaniibta ah ee hawlaha noocan ah ka waday gudaha Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here