Hargeysa: Ciidanka Sirdoonka Oo Xidhay Laba Wariye Oo Ka Tirsan Warbaahinta Madaxa Bannaan

0
35

Hargeysa (Hubaal):- Ciidanka sirdoonka Somaliland ayaa gudaha magaalada Hargeysa maanta ka qabaafshay laba wariye oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan,labadan wariye oo kala ah C/rashiid Sheekh C/wahaab Sheekh Ibraahim oo ah Gudoomiyaha Wargayska Foore iyo sidoo kale Cabdi Xasan oo ah Madaxa Dhaqaalaha Bulsho Tv,news

Afduubka labada wariye oo ka dhacay agagaarka huteel Emperial e magaalada Hargeysa iyaga oo ku qasbay in ay saaraan gaadiidkii ay wateen kana qaaday Moobiladii. Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Cabdi Jaamac Xuuto oo warbaahinta arintan u xaqiijiyey waxa uu sheegay in aan wariyayaashaasi loo marin sheraciga isla markaana aan la gayn goobahii loogu talo galay in dadka lagu xidho balse ay ciidankaasi Sirdoonku geeyeen Kuna xidheen Guri gaar ah oo ay ciidamada Sirdoonku leeyihiin, Waxaanu Gudoomiyuhu canbaareeyey dhacdadan ay ku kaceen ciidanka Sirdoonka Somaliland.

Ciidanka Sirdoonka ee xidhay Wariyayasha ayaa waxa hogaaminaaya taliyaha Laanta Sirdoonka Gobolka Maroodi Jeex.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here