Hargeysa: Dad Shahaado-Sharaf Ku Mutaystay Olole Ka Dhan Badeeco Dalka Lagu Soo Waariday

0
18

Ururka SOLJA oo abaalmarin gudoonsiiyey saddex muwaadin oo kaalin weyn ka qaatay ka-hortaga Tubaakada LYFT oo khatar ku ah caafimaadka

Hargeysa (Hubaal) Axmed Cabdirashiid (Akram), Cabdijabbaar Maxamed Xuseen oo ka tirsan telefishenka Eryal iyo xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Yuusuf Keyse, ayaa la guddoonsiiyey shahaado-sharaf lagu maamuusayo olole ka dhan ah oo ay kaga hadleen baddeeco dhawaan dalka la keenay, taas oo la sheegay inay halis ku tahay caafimaadka.

Munaasibadan oo uu soo agaasimay Ururka suxufiyiinta Somaliland ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa SOLJA ayaa ka qabsoontay xarunta ururkaasi ee magaalada hargeysa.

Ugu horreyn guddoomiyaha Solja, Maxamuud Cabdi Jaamac (xuuto), oo abaalmarintaasi gudoonsiinayay, ayaa yidhi, “Maanta waxa aanu halkan isugu nimid in aanu dhiirigelino oo anu abaalmarin ay mutaysteen ku maamuusno, suxufi Cabdijibbaar, muwaadin Axmed Cabdirashiid (Akram) iyo Yuusuf Keyse oo ah xisbiga Ucid. Urur ahaan, maadaama aanu saxaafadda Somaliland ka wakiil nahay, waxaanu qabanaa abaalmarino sanadkasta aanu u samayno saxafiyiinta, si ay dhiirigelin ugu noqoto, laakiin munaasibadan maantu waxay kaga duwan tahay, dhacdo laga wada dheregsan yahay oo dalkeena ka dhacday, oo ah in shirkad ka mid ah shirkadaha ganacsiga ay keentay dalka tubaako ama maandooriye, runtiina saxaafadda Somaliland doorkeediibay ka qaadatay, in lasoo shaacsaaro oo baadhisteedii maanta gacanta lagu hayo.”

Xubnaha ayaa ururka Solja uga mahadceliyey maamuska iyo shahaado-sharafta uu gudoonsiiyey, waxaanay tilmaameen inay guteen waajib saarnaa, iyagoona bulshada ku guubaabiyey inay ka ilaaliyaan wixii dhibaato ama khatar ku keenaya dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba.

Geesta kale, guddoomiyaha xisbiga ucid, Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa isna xafiiska ku qaabiley saddexdaasi xubnood ee abaalmarinta la siiyey.

Saddexdan qof ayaa qayb laxaadle ka qaatay olole lagaga hortagayo halista badeeco nooceedu yahay Tubaakada oo magaceeda la yidhaa LYFT, taas oo shirkado gaar loo leeyahay ay dalka keeneen, waxaana ka dareenceliyey bulshada oo sida markii dambe meelo badan lagaga hadlay la sheegay in tubaakadaasu khatar u tahay caafimaadka bulshada, waxaana gebi ahaanba dalka laga mabnuucay in la keeno ama lagu isticmaali badeecadaasi oo xukuumaddu, gaar ahaan wasaaradda ganacsigu joojisay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here