HARGEYSA : Dawladda Hoose Oo Saaka Dhulka La Sintay Dhismeyaal Aan Shuqul Ku Lahayn Jid-caddaha Seyladda+Dhaawacyo Sooo Gaadhay Hooyooyin Quraac Samaynayay Oo Cagaftu Ugu Tagtay Madbakha

0
67

Hargeysa (Hubaal)- Hawl-wadeennada Dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa oo ku hubaysan gaadiidka duminta (cagaf-cagafyo) ayaa saaka hawl-gal kedis ah oo aan bulshada lagu wargelin ka fulisay wadada Seyladda xoolaha Hargeysa ku xidh-dha Suuqa Waaheen ee Caasimadda, taas oo hore jid cadde u ahayd.

Waaxda arrimaha bulshada ee Dawladda Hoose oo kaashanaysa maamulka degmadda Maxamuud Haybe ayaa saaka ka dhex toostay xaafadaha Qudhac-dheer iyo Seyladda oo wadadani dhex marto, waxaanay gebi ahaanba dhulka la sintay dhismayaal iyo xayn-daabyo (deyrar) ku teedsan wadada.

Hawl-galkan oo aan bulshada xaafaddaas ka warqabin fulintiisa ayaa la weriyey in aan dawladda hoose u meel dayin duminta deyrarka iyo aqallada bartilmaameedku ahaa oo qaarkood aanay soo gelin wadada wax shuqul ahna aanay ku lahayn qorshaha bannaynta, hase yeeshee mar keliya lagu war-helay ololaha iyo amarka siidhiga duminta, kaas oo la sheegay in aan maamulka dawladda hoose wax digniin ah oo ka horeysay ku wacyi gelin dadka.

Cagafta dawlada HooseWarku wuxuu intaa ku darayaa in hawlgalkan kediska ahi uu argagax geliyey bulshada, kuwaas oo qaarkood iyaga oo guryahooda ku jira oo cuntooyinkii ku mashquulsan ay cagafta dumintu ku dul dumisay dhismayaasha, dhaawacyona soo gaadheen.

Weriye ka tirsan Bahda HUBAAL oo tegey goobtaas duhurnimadii maanta ayaa indhahooda ku arkay tiraba tobaneeyo deyr iyo dhismeyaal cunto (Kijo) wehelinayay oo dhulka lala simay, kuwaas oo qaarkood aanay u dhawayn wadada loogu talogalay in la hirgeliyo.

Qaar kamid ah dadka degen xaafadda Seyladda oo HUBAAL Media la hadlay ayaa cabasho ka muujiyey qaabka iyo qorshaha ay dawladda hoose u fulisay hawl-galkan oo ay ku doodeen inaanu bannayn waddo ahayn ee uu baabi’in yahay.

“haweeney baa immika jiifta oo dhabarka wax kaga dheceen iyada oo madbakha ku jirta, kadib markii ay cagaftu qabcad dhan oo dhismaha ay ku jirtay ah dusha kaga keentay” sidaa waxa yidhi mid kamid ah dadka xaafadda oo HUBAAL uga warramay khasaaraha ka dhashay hawlgalkan, waxaanu intaa ku daray “immika way jiiftaa oo dhabarka ayay ka cabanaysaa, waxase kaga daran shoog iyo argagax uu hawlgalku kaga tegey”.

Muwaadiniintan ayaa cabasho kamuujiyey qaabka ay DDH hawlgalka u fulisay iyaga oo ku dooday in halka cagaftu kaga dhex toostay xaafaddooda ay ka haboonayd in marka hore lasoo wargeliyo dadka looga sheego meelaha u calaamadsan duminta iyo dhismayaasha sida qaab darrada ah u soo galay wadada la banaynayo. Waxaanay dadku ku eedeeyeen golaha deegaanka ee caasimadda HArgaysa inay iskaga khaldan yihiin meelaha u baahan banyan iyo meelaha aan u baahnayn ee ay cagafyadu jiidhayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here