Hargeysa (Hubaal):- Muxaadiro diini ah ayaa Mac’adka Faafinta Islaamku uu Hotel-ka Hadh-wanaag ee caasimadda Hargeysa ugu qabaty boqol iyo konton qof oo ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa ee ka soo jeeda xaafadaha degmadda Axmed dhagax ay ka kooban tahay.
Muxaadiradan ayaa dhalinyarada lagaga wacyi geliyay aafooyinka ay kamidka yihiin tahriibka, caasi waalidka, naf halligida [is qarxinta] iyo amuuro kale. waxaana ka soo qayb galay Madaxda, Mac’adka Faafinta Islaamka, culimo awdiin, iyo dhalinyarada kulankaas loo qabtay. Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Wakiilka Mac’adka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodi jeex, sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeeda kulankaas “Mac’adka Faafinta Islaamku waxaa uu inta badan bulshada ka wacyi geliyaa wixii akhlaaqiyaadka iyo diinka islaamka ku xun ee aan haboonayn in dadka muslinka ah la yimaadaan.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Qorane, isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi “ Madama oo aad dhalinyaro tihiin, waa inaad xooga saartaan barashada diinta, oo aad iska ilaalisaan tahriibka iyo wixii diinta ku xun.”
Sheekh Cali Aadan Nuur oo ka mid ah Culimada Somaliland ayaa muxaadiro dheer oo dhinacyo badan taabanaysa halkaas ka jeediyay, waxaanu dardaran kala duwan siiyay dhalinyaradii halkaas iskugu timi, isaga oo sheekhu hogga tusaaleeyay wanaaga badan eek u duugan diinta islaamka ”Ilahay (SWT) karaamo iyo sharaf ayuu siiyay nafta binu adamka, in qof aan waxba gaysan la dhibaateeyo diinteenu waa xarimtay, sidoo kale Diinta Islaamku waxay sharaftay oo ay ilaalisay in nafta qofka binu adamka ah dhiigiisa la daadiyo isla markaasna sharaftiisa iyo maalkiisa meel lagaga dhaco, waxana diintu si xoogan u ilaalisay in aan gaalada la dilin haday yihiin dad magangalo kuula jooga oo aan wax dagaal ah kugula jirin.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cali.