Hargeysa (Hubaal) – Alle ha u naxariistee Nin la sheegay inuu Dhimirka ka Xanuunsanayey, ayaa Geeriyooday, ka dib markii uu Gubay Aqal Soomaali uu dhexdiisa ku xidhnaa, kaasi oo ku yaalla Xaafadda Geerash Aw Aadan ee Degmada Gacan-libaax ee Hargeysa.
Guriga Gubtay ee Ninka Xanuunsanayey ku xidhnaa, ayaa waxa laga soo badbaadiyey Aabihii oo Da’ ah oo xiliga Gurigu gubtay ku sugnaa, sida uu Sheegay Agaasimaha Fulinta ee Ciidammada Dab-damiska Dawladda Hoose ee HargeysaCabdiqaadir Cumar Xaashi.
Agaasimaha fulinta Ciidammada Dab-damiska Hargeysa, oo Saxaafadda la hadlay ayaa ka warramay gurmad ay ka galeen gurigaa Gubtay oo dabkiisu u gudbayey Guryo ku dhawaa.
“Xaafadda Geerash Aw Aadan ee degmada Gacan Libaax waxa Maanta ka kacay Dab uu sababay kadib markii nin Maskaxda ka xanuunsanayaa gubay Guri nooca loo yaqaan Cariishka (Aqal Soomaali) uu kula sugnaa Aabihii oo Da’ ah.” Ayuu ydhi, waxaanu intaa ku daray in gubashada Gurigaasi sababtay Geerida Ninkii Xanuunsanayey ee isagu Gubay Guriga, “Dabkaasi wuxuu sababay inuu halkaa ku Naf-waayo Ninkii Xanuunsanaayey ee la sheegay inuu Guriga gubay, halka Ciidanka Dab-damisku ay dirqi kaga soo badbaadiyeen Odaygii dhalay Wiilka xanuunsanayey ee Guriga ku dhex xidhnaa.”
source: barkulannews