Qaybtii ugu horaysay ee Qalabka Nalka Waddooyinka kala haga, ayaa maanta waxa soo bandhigtay Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa. qalabkaasoo maanta soo gaadhay dalka, ayaa waxa lagu xidhi doonaa Lix waddo oo muhiima badhtamaha Magaalada, sida uu sheegay Duqa Magaalada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo sharaxaad ka bixiyey qalabkan iyo doorka uu ka qaadan karo bilicda iyo kala hagida gaadiidka waddooyinka mara.
Maayirka ayaa sheegay inay Gaadiidleydu ka taxadiraan khaladdaad inay ku galaan waddooyinka lagu xidho Nalkan, taasoo lagu ganaaxi doono.