Hargeysa(Hubaal)-Munaasibad qiimo badan oo habeenkii xalay lagu qabtay Hutel mansor ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo bandhigay Kun Buug oo ah Buugga Mahadho oo laga qoray taariikdii ma guuraanka ahayd ee Marxuum Gaarriye, waxana Taariikhda markii ugu horraysay dhacday in Kunkii Buug-ba isla goobtii lagu iibsado. Munaasibaddan oo siyaasiyiin, dhallinyaro iyo abwaanno aan loo kala hadhin, ayaa, ayaa si xamaasadaysan waxa loo wada iibsaday buugaagtii halkaas taallay oo tiradoodu kun ahayd, waxana intooda badan iibaday oo lacagtooda bixiyey siyaasiyiintii goobta joogay. Guddoomiyayaasha saddexda Xisbi-qaran, ayaa iyagu tiradii ugu baddnayd iibsaday, waxana kusoo xigay wasiirka Maaliyadda oo iyadu laba Boqol iyo Konton Buug lacagteeda bixisay, isla-markaana amar ku bixisay in loo qaybiyo Ardayda Jaamacadaha iyo Iskuullada ku jirta. Sidoo kale shakhsiyaad dadka wax qora ah oo halkaas ku sugnaa ayaa buugaagtaas si weyn u iibsaday, waxana dhacdadani xalay noqotay mid ka farxisay dhallinyaradii SOo abaabushay iyo qoraagga Buugga Mahadho Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo isagu farxad iyo rayn-rayn halkaas kala hulleelay. Ugu dambaynta waxa ay munaasibaddu kusoo gebogebowday iyadoo si fiican loo wada iibsaday Kunkii Buug, isla-markaana kasoo qaybgalayaasha laftoodu arrintaas ku farxeen.