Hargeysa, Somaliland, (Hubaal)- Maayarka Caasimadda ayaa shalay laba waddo oo laami ah oo dawladda hoose hirgalisay xadhiga ka jaray, halka xarun caruurta agoomaha loogu talagalay ay isaga iyo Marwadda madaxweynuhu ka dhagax dhigeen duleedka waqooyi ee magaaladda Hargeysa.
Labaddan waddo ee dawladda hoose hirgalisay ayaa kala ahaa mid laba killomitir ah oo ka soo baxdda istaanka Jabuuti iyo mid kale oo shan boqol oo mitir ah oo ka timaada Iskayska Xaro Awr kana gudubtay wadadda boqol iyo kontonka.
Wadooyinkan waxa iska kaashaday dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadka xaafadahaasi, waxaanay dadka isticmaalaa wadooyinkan uga mahad celiyeen cid kasta oo gacan ka geysatay wadooyinkan.
Marwadda madaxweynaha Aamina-weris Sh. Maxamed Jirde ayaa sheegtay in wadooyinkan ay in badan martay, isla markaana ay aragtay sida ay rafka u ahayd iyo sida aan loo mari Kari jarin, iyadoo uga mahad naqday dawladda hoose iyo guddida xaafadda ee gacanta weyn ka gaystay hirgalinta wadooyinkan. “Wadadani iguma cusba oo in badan ayaan mari jiray, runtii wadadani waa waddo aad ii farxadgalisay ilaahay baa mahada iska leh, dadka hawsha inteeddda badani ku dhacday gaar ahaan dadkii xaafadda iyo dawladda hooseba aad bay u mahadsanyihin”ayey tidhi marwadda madaxweynaha Aamino Weris.
Maayar Soltelko oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Siyaasadda xukuumadda ee madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo qaatay sanadkan ee ah sidii wadooyinka loo horumarin lahaa ayuu mashruucani ka mid yahay, waa dadaalkaa madaxweynuhu kowga inoogu yahay ayeynu hawsheedda wadda qabanaynay, waana kaabaayaashii dhaqaalaha, marka waddo la helo ayuu dhaqaaluhuna kor u kacaa, imika sakadaasi way ka duwan tahay markii hore ee ay bila wadadda ahayd, waxa iyaduna wadadan ka dambeeya garoonkii kubadda cagta oo aanu ka balansanahay guddida dhalinayrada si aanu wax uga qabano”.
Labadan Waddo ee kala ah mid ay Baabuurta Jabuuti maraan iyo mid kale oo ka gudubtay wadadda boqol iyo kontonka, taas oo baahi weyn loo qabay, waxaana xadhig ka jaristeedda ka soo qaybgallay marwadda madaxweynaha, Maayarka caasimadda, xoghayaha dawladda hoose, xildhibaannadda golaha deegaanka Caasimadda iyo marti sharaf kale.
Dhinaca kale, marwaddu madaxweynuhu waxay dhagax dhigtay xarun lagu xanaanayn doono agoomaha.
Munaasibada lagu dhagax dhigayey xarunta loogu tala galay daryeelka iyo xanaanaynta caruurta agoonta oo lagu qabtay goobta laga dhisayo xaruntaasi oo ku taala Deegaanka Xeedho ee waqooyiga caasimada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay marwada madaxweynaha Somaliland, Maayarka caasimada Hargeysa, madaxda hay’adda fulinaysa dhismaha xarunta ee Al Najax, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa ugu baaqay dadka beeraha leh inay iska gooyaan dhulka danta guud ah ee laga dhiso waxyaabaha ay dadku wadaagaan waxaanu yidhi “Dhulka danta guud ee ah ee xukuumadu ka goyso dhulka ay dadku leeyihiin waxa loogu tallo galay in laga dhiso waxyaabaha danta guud ah sida dugsiyadii, garoomadii, sariibadihii, saldhigyada booliska, istaanadii basaska, dadweynahana waxaan leeyahay waa inaad bixisaan intii laydinku yidhi bixiya si loogu hir geliyo hawlahaasi, agoomaha inaynu aad ugu naxariisano weeyaan, waxaana imika socda mashruucii hore oo ay maal gelinayso dawlada Kuwait kaas oo laga dhisayo bariga magaalada Hargeysa.”.
Marwada madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamuud Jirde ayaa iyaduna sheegtay inay garab taagan yihiin wax u qabashada caruurta agoonta ah, waxaanay ka war bixisay waxyaalihii ay u qabteen xarumaha agoomaha ee dalka waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “waxaan qirayaa intii dawladani timid inaynu aad ugu soo jeedsanay xarumo badan oo agoomaha lagu xanaaneeyo,markii afar sano ka hor ay dawladani wadanka qabsatay wiig ka dib ayaan tagay xarunta agoomaha, waxaana ka muuqatay dayac aad u badan, waxyaalaha aanu u qabanayna waxa ugu muhiimsan inaanu sugnay dhulkii xarumta agoomaha.”.
Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeysa iyo madax dhaqameed kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey dhismaha xarunta loogu tala galay daryeelka iyo xanaanaynta caruurta agoonta ah.