Madaxweyne Muuse Biixi Oo Mashaariic Kala Duwan Ka Fuliyey Caasimada Hargeysa
In Ka Badan Hal Milyan oo Buug oo Madaxweynu shalay Gacantiisa ugu Qaybiyey Ardayda Dugsiyada H/Dhexe ee Dalka Oo Lacag La’aan Lagu Siiyey
Hargeysa (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku gudo jira hawlihiisii shaqo ee qaranku u igmaday, ayaa shalay kormeer iyo u kuurgalis hawlaha qaran ah ku sameeyay magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland. Madaxweynuhu intii uu hawlaha shaqada qaran ku gudojiray, waxa uu fuliyay mashaaric kala duwan oo isugu jira, xadhig ka jirs, dhagax-dhig iyo kormeer uu ku soo sameeyay goobo caasimada ka mid ah.
Aan ku horeynee, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay si rasmi ah xadhiga uga jaray kulliyadda tabobarka macallimiinta oo laga hirgeliyey duleedka caasimadda Hargeysa. Munaasibad ballaadhan oo uu madaxweynuhu xadhigga kaga jaray kulliyadda cusub ee tabobarka macallimiinta, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, saraakiil ka socda midowga Yurub, ku dhawaad Afar boqol oo macallin oo kulliyada wax ka baran doona iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya qiimaha ay leedahay in lagu tabco barayaal tabobar sare qaba oo soo saari kara da’yar cilmi ku hubaysan.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qaranku u baahan yahay inuu yeesho kulliyad lagu tabobaro barayaasha da’yarta soo socota, wax barta, taasina ay kor u qaadayso tayada waxbarashada dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida ay xukuumadda uu hoggaamiyo uga go’an tahay in kor loo qaado xirfadda iyo heerka waxbarasho ee barayaasha gacanta ku haya da’yarta dalka.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inaan marnaba lagu horumari Karin ku tiirsanaanta caawinta shisheeyaha, tayada tacliintuna ay ku hagaagi karta isku-duubnida iyo wada-jirka bulshada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan qabaa waxbarashadu kuma timaaddo dawaro iyo inay cidi iskuulladaada kuu dhisto iyo inay cidi kaa taageerto ardaydaada wax bariddeeda, qaran walibana wuu karaa inuu dadkiisa wax baro oo uu tacliintiisa hagaajiyo marka uu u midoobo horumarkiisa oo uu hantidiisa u huro.
Wuxuu Dhagax-Dhigay Saldhig Cusub
Geesta kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhagax dhigay saldhig cusub oo casri ah oo laga hirgelin doono deegaanka Xeedho, kaas oo lagu magacaabo Aadan Shiine.
Taliyaha ciidanka Booliska Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo xubno kamid ah Injinneerrada ciidanka Booliska ee dhismaha saldhiggan gacanta ku haya oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu saldhiggaasi noqon doono mid casri ah oo ka duwan saldhigyadii hore loo dhisi jirey, islamarkaana goobta laga dhisayaa tahay goob baahi weyn looga qabay.
Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdicasiis Maxamed Cago-weyne oo isaguna madasha dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa sheegay inay dawlad hoose ahaan qorshahooda ku darsadeen sidii ay degmooyinka kala duwan ee caasimaddu u leedahay, si loo xoojiyo amniga bulshada ku dhaqan caasimadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa hoggaanka ciidanka Booliska ku bogaadiyey ballaadhinta xarumaha ammaanka ee caasimadda, maadaama oo ay tirada shacabka caasimaddu sii badanayso.
Kormeerka Sayladda Xoolaha Ee Hargeysa
Madaxweynaha oo ku gudo jira hawlihiisii shaqo ee qaranku u igmaday, ayaa kormeeray shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee Hargeysa.
Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu kormeerkiisa ku jirey waxa uu indho indheeyey habsami-u-socodka hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka socdo ganacsi ballaadhani.
Xubno kamid ah guddida ugu maamusha sayladda Xoolaha ee Hargeysa, ayuu madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan duruufaha kala duwan ee ku xeeran dadka ku ganacsada sayladda iyo xoolaha halkaas lagu kala iibsado oo u baahan daryeel joogto ah oo xagga cawska iyo biyaha ah.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa ugu baaqay inay ka hawlgalaan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen wax kasta oo ay u baahan yihiin dadka iyo xoolaha ku sugan sayladdu, sida Biyaha, cuntada iyo hadhka.
Madaxweyne Muuse oo Gacantiisa Ku Qaybiyey In Ka Badan Hal Milyan oo Buug Ah Oo Lacag La’aan Lagu Siiyey Ardayda Dugsiyada H/Dhexe ee Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku gudo jira hawlihiisii shaqo ee qaranku u igmaday, ayaa shalay gacantiisa ku qaybiyey Buugaagta manhajka waxbarashada Somaliland ee dugsiyada Hoose dhexe oo lacag la’aan ah, kuwaas oo uu maanta si rasmi ah ugu qaybiyey ardayda wax ka barata dugsiga Qudhac-dheer ee degmada Maxamuud Haybe ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, ayaa saaka qaybinta Buugaagta daabacan ee Manhajka waxbarashada dugsiyada Hoose dhexe ee dalka oo tiradoodu dhan tahay 1,000,200 (Hal Milyan iyo Laba boqol), isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaa arday tiradoodu dhan tahay 153,077 (Boqol iyo Saddex iyo konton kun iyo Toddoba iyo Toddobaatan) Arday, waxa uu ka bilaabay dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer ee Degmada Maxamuud Haybe.
Madaxda wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo dhammaantood ku sugnaa gudaha dugsiga Qudhac-dheer, ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay buugaagtan lacag la’aanta ahi usoo kordhin doonto dhammaanba ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose dhexe ee dalka, waxana ay madaxweynaha uga mahadnaqeen go’aanka geesinimada leh ee uu ugu dhiirraday in ay ardaydu hesho buugaag daabacan oo lacag la’aan ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyey ardayda wax ka barata dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer iyo macallimiintooda, ayaa ardayda ku bogaadiyey inay ku dedaalaan waxbarashadooda, isla markaana ay dhexda u xidhaan sidii ugu diyaar garoobi lahaayeen hoggaaminta dalkooda.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay uga go’an tahay inay daryeesho da’yarta wax baranaysa ee mustaqbalkooda la dhisayo, maadaama ay aayihii dambe uu dalka yihiin, “Mar haddii aad mustaqbalka leedihiin xaq waxad u leedihiin in la idin siiyo tacliin wanaagsan iyo nolol wanaagsan, waajib bayna ku tahay waalidka, dawladda iyo tujaartaba inay idinka idin daryeelaan, waayo mustaqbalka dalku waa dadka. Daar la dhiso iyo laamiyada iyo qurux la beero waxa ugu weyn ee la maalgelinayaa waa mustaqbalka iyo da’yarta iyo dadka, waxana aannu doonaynaa in da’diinani aad ka duwanaataan da’da maanta nool dhinac walba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Buugaagta daabacan ee maanta qaybintooda la ibo-furay, ayaa si lacag la’aan ah loogu qaybin doonaa dhammaanba ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose Dhexe ee dalka, kuwaas oo uga faa’iidaysan doona waxbarashadooda, waxaanay ka mid tahay balan qaadyadii madaxweynaha ee wakhtigii ololaha.