Hargeysa: Masuuliyiinta Sarre Ee Dab-damiska Oo Ka War-bixiyey Dab Ka Kacay Banjarle Taayirrada Gaadiidka Ka Shaqeeya

0
63

Hargeysa (Hubaal)-Dab ka kacay meherad banjarle gaadiidka uga shaqeeya Taayirada oo kutaalay Xaafada Geerash Aw Aadan ee Degmada G/Libaax magaalada Hargeysa ayaa sababtay khaasare sahlan oo ku koobmay meheradii Banjarka ee uu ka bilaamay.madaxda dabdemiska

Inkasta oo uu dabku halis weyn galiyey guryihii la jaarka ahaa meheradan oo ku dhextaalay Xaafado badan dhexdoodbanjare gubtay

Agaasimaha Fulinta oo ka warbixinaayey Gurmad degdeg ah oo Ciidanka Dab-damiska Caasimadu markiiba ku gaadheen kuna badbaadiyeen guryihii la degana ee meheradan la jaarka ahaa,Agaasimaha oo goob-joog ka ahaa gurmadkii degdega ahaa ee ay Ciidanka Dab-damiska Caasimadu ku bakhtiiyeen Dabkan waxa uu warbixin kooban soo dhigay Bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga waxaanay u dhignayd sidan:-13690787_167728250307015_1766132913836049129_n

Ganacsiga aan loo meel dayin waxa uu halis Ku yahey nolosha iyo hantida bulshada ee Ku hareereysan waxey aheyd maanta abaaro 11:00 duhurnimo kadib markii uu dab qabsadey sandaqad meel aan Ku habooneyn laga dhisey oo uu Ku shaqeysanayay banjarle taayirada gaadiidka ka shaqeeya taasi oo dabkii ka kacay jiingadaasi uu halis galiyay nolosha iyo hantida bulshada Ku hareereysan kadib markii taayiradii duuga ahaa ee uu soo ururiyay si loogu garto in goobtu ay banjarle tahey ay masiibo Ku noqotey dabkii taayirada ka dhashay oo gabi ahaanba baabiyay xoogsigii iyo xoolihii u yaaley goobta isla markaana ay ciidanka dabdemiska ka hot istaageen fiditaanka dabka oo Ku siqayay dhismayaashii bulshada ee ka agdhawaaa.

Waxa jirta in ganacsiga aan munaasibka aheyn ee bulshada dhexdeedu uu dhibaato weyn uu Ku hayo bulshada Ku hareereysan sida kan maanta oo kale oo waxyeeleyn gaadhey dhismihii cashuuraha bariga ee dagmada G,libaax Xaafada Geerash aw aadan ee magaalada Hargeysa.

C/qaadir Cumar Xaashi

Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-damiska Qaranka

Hargeysa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here