Hargeysa: Mudaharaad Ka Dhashay Guryo Waddada Galay Oo Laga Dumiyey Duleedka Huteel Marwada Madaxweynaha Qoyskoodu Leeyahay

0
53

Hargeysa:(Hubaal)-mudaharaad kooban oo lagaga soo horjeedo tallaabo ay dawladda Hoose ee Hargeysa ku duminaysay aqallo ku yaalla duleedka Huteel Cali Jirde oo ay leeyihiin Qoyska marwada madaxweynaha Somaliland, ayaa ka dhacay agagaarka Huteelkaas, waxana dadweyne cabanayey ku eedeeyeen dawladda Hoose inaanay hab caddaalad ah u raacin duminteeda.

huteelka aamina waris

Guryaha la dumiyey, ayaa lagu eedeeyey inay waddada soo galeen, isla markaana xidheen dariiqii loo mari lahaa Huteelkaas iyo goobaha kale ee halkaas ku yaalla, balse dadka aqalladaas la dumiyey iska lahaa, ayaa ku andacoonaya inaan la dumin dhismeyaal uu Huteelka laftiisu ku jiro oo waddada galay, waxana ay dawladda Hoose ku eedeeyeen inay dariiq qaladn u martay duminteeda.

Qaar kamid ah dadkii diidanaa dumintaas ayey ciidamada ammaanku xabsiga u taxaabeen, waxana halkaas muddo kooban ka dhacay kacdoono taayirro lagu gubay oo ay shacabku dumintaas ku diiddanayaayeen.

Goobta dhismeyaashan laga dumiyey oo dhinaca Bari kaga qabsan hutelka Cali jirde, waxana cadho weyn muujiyey dadyowga halkaas ku dhaqan iyo kuwa dhismayaashooda la dumiyey, waxana ay ciidamada Booliska iyo weliba maamulka Huteelka Cali Jirde ku eedeeyeen inay dariiq caddaaladda baalmarsan u mareen duminta guryahaas.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here