Hargeysa(Hubaal) – Ololaha cidhibtirka qabyaaladda oo habeenkii xalay ahaa lagu qabtay xarunta dhaqanka ee magaalada Hargaysa,halkaasi oo ay ka soo qayb galeen dad wayne faro badan iyo aqoonyahan marti loo ahaa, ayaa waxa goobtaasi lagu fallanqeeyay hadimada ,xumaanta,dib u dhaca qabyaaladda iyo sida ay umadda u kala fogayso.
Madasha ayaa waxa marti loo ahaa Cabdikariin Axmed Mooge wasiir ku xigeenkii hore ee qorshaynta Somaliland oo dhawaan xilkaasi iska casilay kadib markii uu sheegay inuu u go’ay la dagaalanka qabyaalada,Barkhad Jaamac Batuun oo hore u ahaa la taliyaha madaxwaynaha ee dhinaca bulshada la haybsooco,Sharma’arke Geelle oo ah xogahaya wasaaradda Madaxtooyada,iyo Abwaan,Qoraa Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhwayne)ayaa munaasibada la isla meel dhigay dhibaatada iyo dib u dhaca ay keento qabyaaladdu.
Rashiid Sheekh Cabdillaahi ayaa kulankaasi kala hadlay boqolaal qof oo goobtaasi u yimid inay dhagaystaan taageeranna fikirka toolmoon ee dhalinyaradan iyo waayeelka is xilqaamay ee bilaabay wacyigalinta aafada qaybaalada.
“Qabiilka iyo qabyaalada la kala saaraa waa isku kaymid waayo qabiilku isagaaba eex ku dhisan iyo qudhun. Qabyaalada hooyadeed waa Qabiilka”Rashiid Sheekh Cabdillaahi.
Rashiid Gadhwayne ayaa sheegay in qabyaalada lagu tirtiri karo horumarka dhaqaalaha “Qabyaalada waxaa lagu tirtiri karaa hormarka dhaqaalaha, wadada ceerigaabo hadday dhismaheeda lagu guulaysto bulsho kala xidhan baa isku furmaysa”Rashiid Gadhwayne.
Cabdirakiim Axmed mooge wasiir ku xigeenkii hore ee qorshaynta Somaliland oo isagu ololahan cidhibtirka qabyaalada bilaabay wakhtigii uu iska casilay xukuumadda ayaa sheegay in qabyaaladu bulshada kala irdhayso ,isagoo tilmaamay sida Madaxwayne siilaanyo subaxa aad aragtaba maxkamad u saaran yahay reer .
“Madaxwaynuhu wuu dhiban yahay, anigaa la soo shaqeeyay aroortaad arragtaba wuxuu maxkamad u saaranyahay reer, kii badsaday iyo kii yaraystayba xaq baa ka maqan. Buriihii reer baa sheeganaya, ceelashii reer baa sheeganaya, beerihii reer baa sheegaya”Cabdikariin Axmed Mooge.
Md Cabdikiim Axmed Mooge oo ka hadlayey sabaha uu isku taagay ayaa sheegay in dhammaan bulshadu caddaalad hesho “Qabiil ka yar iyo Qabiilka wayn inay is aqbalaan oo caddaalad u sinaadaanbaan u istaagnay”Cabdikariim Axmed Mooge.
Waxaanu intaasi ku daray”Ololahani waxa uu boorrinayaa in aan Xilka umadda lagu hanan Qabyaalad, balse lagu helo aqoon, karti, daacadnimo iyo in qofku ku sifoobo Inuu ka madhan yahay musuqmaasuq”ayuu yidhi Cabdi Kariim Axmed Mooge