Hargeysa Oo Si weyn Looga Dareemayo Qabanqaabada Xaflad Ay kaga Degayaan Xisbiga Waddani Masuuliyiin isbedal-doonka Kulmiye ah Iyo Mawjado Tageerayaal Ay Hor-kacayaan

0
46

Hargeisa-(Hubaal)-Magaalada Hargaysa ayaa waxa si weyn looga dareemayaa labadii caano maal ee u dambeeyay u diyaar garowga xaflada uu xisbiga WADDANI kusoo dhaweynayo masuuliin miisan culus leh iyo mawjado tagerayashooda ah oo ay horkacayaan,kuwaasi oo maalinta beri si rasmiya ugu biiri doona xisbiga WADDANI ,

Masuuliyiinta oo intooda badani horay xilala ugu soo qabteen xukumada KULMIYE ayaa waxa kamid ah wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta somaliland Boobe Yusuf Ducaae, W/hore ee Cafimaadka Xuseen Xoog,Wasiirkii Hore ee airmiha gudaha Maxamed Nuur Caraale,Wasiirkii hore ee Wasaarada Boostada iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geellle iyo wasiirkii hore ee xidhiidhka Golayaasha iyo Teknoolojiyada,Badhasaabkii Hore ee G/Togdheer Axmed Xamarje iyo xubno kale

Xafladan oo lagu wado inay maalinta beri ka dhacdo Hotel Crown ayaa kaga duwan kuwii horay uu xisbiga WADDANI ugu Samayn Jiray masuuliyiinta ku soo biiray,iyadoo aanay horay u dhicin in ilaa 6 xubnood oo xisbiga KULIMYE ka soo noqday wasiir iyo xubin badhaasaab horay ugu ahaan jirtay ay ku soo biirayaan xisbiga WADDANI,

.wadan

Gebagebadii Haldoorkan ku soo biiri doona xisbiga WADDANI ayaa wax weyn ku soo kordhin doona isla markaan waxay laf dhabarta ka jebin doontaa xisbiga xaakimka sii Galbanaya ee KULMIYE

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here