Hargeysa (Hubaal)- Koox dhakhaatiir ah oo ka hawlgala Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa fuliyey qalliin culus oo ay kaga saareen kaadi-haysta nin bukaan ah dhagax 3kg ku dhaw oo muddo badan kaga jiray.
Bukaanka qalliinkan culus lagu fuliyey oo la yidhaa Xasan Hurre Axmed, ayaa sheegay in xaaladan ay soo asiibtay markii da’diisu ahayd 12 sanno jir, kadib markii gaadhi uu la dhacay, dhakhaatiir uu dhawr jeer uu hore u tagayna waxba ka qaban kari waayeen xaaladiisa.
“Sannadkii 1972-kii, ayaa anigoo yar oo 12 jir ah gaadhi ila dhacay, muddo badan anigoo carruuro iyo dumar bal eh, ayaa kaadidu i gubtay. Dhakhaatiir yaryar baan u imid, kuwaasina qalab ma haystaan, kinniin uun bay I siiyaan, waxna igama taro, dhagaxiina halkaas buu ka soo muuqdaa,” ayuu yidhi Xasan Hurre, isagoo si xoogan ugu mahadnaqay dhakhaatiirta ku sameeyey qallinka dhagaxa lagaga saaray.
Dhakhatarka hoggaaminayey kooxda qalliinkan fulisay oo dalka Ruushka u dhashay, ayaa sheegay in qalliinkani ahaa mid culus, balse ay ku guulaysteen, haddana bukaanku fiican yahay, xaaladdiisuna ka soo raynayso.
Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr. Askar, ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horraysay Somaliland ee qof bukaan ah dhagax 3 kilo u dhaw laga soo saaro kaadi-haysta, taasina muujinayso in dhakhaatiirta cusbitaalka joogta ay ka hawgeli karto qalliinno kuwan ka culus.
“Dhagaxan waxa lagu qiyaasay 2.85 kilo, marka 3 kilo ayuu ku dhaw yahay, waana taariikh la arkay in qof bani’aadam ah uu kaadi-haysta dhagax intaas le’eg gudaha ugu jiro, waxaanad ogtihiin in mushiladdii qaranka dhinaca qalliinka ka haysatay la hantay in hawlahan oo kale iyo hawlo kale oo ka adagba ay fulin karaan dhakhaatiirtu,” ayuu yidhi Dr. Askar.