Hargeysa: Salaadda Roob-doonta Iyo Dhibica Raxmadda Alle Oo Isku Beegmay

0
12

Hargeysa iyo Nawaaxigeeda Oo uu ka da’ay Roob lagu qabowsaday

Hargeysa (Hubaal) Raxmaadkii ILLAAHEY ayaa maanta abaaro 12:00 duhurnimo ka curtay magaalada Hargeysa. Roobkani oo muddo kooban da’ayay ayaa bulshaweynta magaalada Hargeysi ay aad ugu diirsaddeen. Maalmihii u danbeeyay waxaa jiray kuleyl, iyo biyo yaraan ka jiray qaar ka mida xaafaddaha magaalada Hargeysa.

Waana maalintii koowaad ee Roobka Gu’gu uu ka da’ay magaalada Hargeysa iyo xawaaxigeeda.

Saaka ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaad roob-doon ah oo shalay dalka oo dhan laga iclaamiyey, maantana la oogay.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil kale, ayaa shacabka kala qaybgalay salaad roob-doon ah oo lagu oogay masaajidka Ibraahim-dheere ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Diin iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa bulshada u jeediyey khudbad dheer oo u saabsan iscafinta, Alle bariga iyo midaynta quluubta bulshada, waxana uu ku baaqay inay maalmaha Khayrka leh ee bisha Ramadaan ku camiraan baryada Eebbe, gaar ahaan weydiisashada raxmaadka oo waqtigan dad iyo duunyoba baahi weyn loo qabo.

Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa isaguna bulshada reer Somaliland ugu duceeyey inuu Eebbe  abaaraha kasoo jebiyo, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay toobad-keenka badiyaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here