HARGEYSA: Shirkadda Ethiopian Airlines Oo Maamuustay Xafiisyada Sida Gaarka Ah Ula Shaqeeya

0
11

Hargeysa (Hubaal) Maamulka Ethiopian Airlines – GSSA ee Somaliland ayaa xaflad balaadhan u qabtay xafiisyada tigidhada jara ee sida gaarka ah ula shaqeeya kuwaasi oo tiradoodu ay gaadhayso 38 xafiis.  Maamulaha Ethiopian Airlines – GSSA ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Ciise oo xafladan hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay wada-shaqaynta xafiiskooda iyo dhammaan xafiisyada kale ee jara tigidhada Ethiopian airnlines isagoo mar kale ku celiyey inaanay aqoonsan doonin xafiisyada isticmaala USER-ka ka baxsan xuduudaha Somaliland wixii ka dambeeya 20ka December ee sannadkan.

Waxa iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyey xubno ku hadlayay magaca xafiisyada jara tigidhada Ethiopian airlines xamse maxamed iyo cabaas salaan iyagoo si wayn ugu mahad celiyey maamulka Ethiopian airlines waxaanay halkaasi ka balan qaadeen inay sida ugu wanaagsan ula shaqeeyaan xafiiska isla markaana ay sii libin-laabi doonaan wada-shaqayntoodaasi.

Geesta kale, xubnihii ka socday Travel agen-siska ayaa halkaasi maamulka shirkada ku waydiiyey su’aalo kala duwan iyo codsi la xidhiidha sidii maamulka u siin lahaa Users carsi ah oo shaqooyinkooda u fuddudeeya kuwaasi oo maamulkuna u balan-qaaday inuu dhawaan u keeni doono.

Maamulka Ethiopian Aarlines – GSSA ee Somaliland ayaa halkaasi shahaadada aqoonsiga ku guddoonsiiyey 38 xafiis oo ka mid ah kuwa jara tigidhada Ethiopian airlines kuwaasi oo noqon doona inta rasmi ah ee ay aqoonsan yihiin.

Xafladan waxa qayb ka ahayd casuumad casho sharaf ah oo Maamulka shirkadu ku maamuusayay xafiisyada tigidhada jara ee ku dhaqma awaamiirta xafiiska sare ee Ethiopian airlines.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here