Hargeysa: SOHASCO Oo Tababar U Soo Xidhay 154 Dhallinyar Ah Oo Xirfado Kala Duwan La Baray

0
18

Hargaysa-(Hubaal) Ururka waddaniga ah ee SOHASCO, Hay’adda UNFPA iyo Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL ayaa si wada jir ah shahaadooyin u gudoonsiiyey 154 Dhallinyar ah oo xirfado kala duwan ay ku tababareen. Munaasibadan oo shalay ka qabsoontay hall-ka Sonyo ayaa ardaydii dhammaysatay shaqo-carbinta (employability and life skills) iyo qurxinta wejiga (Make-up Arts or face beautification) shahaadooyin iyo abaal marino kala duwan lagudoonsiiyey.

Tababaradan lagu baranayay xirfadaha kala duwan oo socday muddo bil ah, ayaa waxa ka qalin-jabiyay arday tiradoodu dhan tahay 154 arday oo isugu jira hablo iyo wiilal. Tababbarka qurxinta wejiga oo u gaar ahaa hablaha waxa ka qalinjabiyay 52 arday oo hablo ah, halka shaqa-carbintana ay ka qalin-jabiyeen 102 arday oo wiilal iyo hablaba ah.

Mashruucan oo ay maalgalisay hay’adda UNFPA oo dhaqaalaha soo marinaysay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, waxa fulisay hay’adda waddaniga ah ee SOHASCO.

Xafladda oo si habsami leh uga qabsoontay hall-ka Sonyo, waxa ugu horrayn hadalka furtay madaxa xarunta SOHASCO Muna Xuseen iyo madaxa barnaamijyada ururka Mudane Guuleed M. Yaasiin oo ka xogwarramay hawshu sidii ay u qabsoontay iyo qorshayaasha xarunta ee la fulin doono.

Intaa ka dib, waxa hadalka iska daba-maray oo ardayda hambalyeeyay, talooyin wax-ku-ool ahna siiyay, sidoo kalena SOHASCO ku ammaanay shaqada weyn ee ay qabateen. Agaasimaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Maxamed Siciid Khaawi, madaxa qaybta dhallinyarada UNFPA — Somaliland Cabdicasiis Maxamed Faarax iyo agaasimaha Sonyo Cabdixamiid M. Cumar ayaa igauna halkaasi ka hadlay.

Ugu dambayn, waxa jaa’isado ay hawsha kusii bilaabi doonaan la siiyay 15-kii arday ee hablaha qaybta qurxinta wejiga ugu sarreeyay. Halka 15-kii arday ee shaqa-carbinta ugu sarreeyay iyagana ay madaxdu guddoonsiisay shahaadooyinkooda. Ka dib, waxa si buuxda loo qaybiyay shahaadooyinkii ardayda tababarka loo dhameeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here