“Ummad Ka La Socota Ayaynu Noqonnay Oo Kolkay Salaad Noqoto Xagga Maka Ayaynu U Tukannaa, Kolka Ay Aqoon Iyo Siyaasad Noqotona….” – Sheekh Shacbaan
Hargeysa (Hubaal)-Qaar ka mid ah culimada waaweyn ayaa khudbaddii jimcaha ee shalay kaga hadlay qaddiyada haweeney la sheegay inay u ololeyso guurka dadka isku jinsiga ah oo dhawaan dalka Socdaal ku timi, ka qayb galka bandhigii carwada buugaagta ee Hargeysa. Masaajiddada Magaalada Hargeysa ayaa badankooda shalay waxa khudbadii jimcaha ay culimadu ku cambaareeyeen socdaalka ay haweenaydani dalka ku timi iyaga oo ka digay cidhib xumada ka dhalan karta haddii aan laga hor tegin dhaqan doorsoon ay ku eedeeyeen inay soo waddo. Masaajiddo ay kamid yihiin Masjidul-huda, Masjidul-salaama iyo masjidul-ansaar oo dhammaantood ku yaalla magaallada Hargeysa ayaa shalay khudbadii jimcaha kaga hadlay arrintan. Sheekh Shacbaan Cabdillaahi aadam oo ah khadiibka Masjidul-hudaa ee Magaalada Hargeysa “Kolka ay salaad noqoto xagga Maka ayaynu u tukannaa, kolka ay aqoon iyo siyaasad noqotona dhinaca reer galbeedka ayaynu u tukannaa. Ummad ka la socota ayaynu noqonnay. Inta Qoraayada iyo mufakiriinta gaaleed dhallinyarta ku-dayashada looga dhigaayo la ma waayin aqoonyahan iyo qoraayo muslimiin ah. Waligiin miyaa islahaydeen habar baa idin ku soo duuli oo qaab-dhismeedka qoysaskiinna iyo dhaqankiinna dhaawici”. sidaa ayuu yidhi Sheekh Shacbaan. Dhinaca kale Sheekh Ciise Oo ah Khadiibka Masjidul-ansaar ayaa ka digay dhalan gedis ay qaddiyadni u soo jiidayso dhaqankeena suuban iyo diinteena Islaamka, waxaanu yidhi “ Annagu halkan (Masaajidka) dalka ka dhisi mayno, dad duminayana hadba la keeni maayo….Marka gabadha waxaas u ololaysa dalka la keeno saw looma yeedhanayo kuwii jalfista dhigayey oo kaalaya na qarxiya ma aha”. Ayuu yidhi Sheekh Ciise. Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Dadka ka shaqeeya waxaannu leennahay Ilaahay ka cabsada oo diinta iyo dhaqanka wixii waxyeelaya aynu ilaalinno.” Sidoo kale arrintan ayaa lagaga hadlay Masaajiddo kale oo uu ka midyahay Ansaar oo ku yaal Hargeysa. Digniinta Culimada reer Hargeysa ayaa daba socotay warar lagu baahiyey baraha xidhiidhka bulshada [Website] oo daarnaa ujeedada ay Haweenaydan oo madax ka ah urur Magaciisa loo soo gaabiyo WoW [Women of World] oo ka dhisan Ingiriiska ay u timi Somaliland. Ururkan oo la weriyey in uu ka shaqeeyo qaddiyada guurka isku jinsiga ah, illaa haddase Majiro war rasmi ah oo dhinaca xukuumadda ka soo baxay oo la xidhiidha arrintan.