Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysi ay baahidoodu mid tahay balse aanay laba ahayn isla markaana aanay dhacayn in qayb ka mid ah bulshada la daboolo baahidooda halka qayb talena ay cabato.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in ay Xisbiyadu dhamayn doonaan khilaafka Siyaasadeed ee ka abuurmay muddo kordhinta, haddii ay is fahmi waayaanna ay u yeedhan doonaan Culimada, Salaadiinta iyo Ganacsatada.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad lagu furayey huteel cusub maalintii Axaddii, waxaana sidoo kale sheegay in khilaafkan siyaasadeed aanuu ahayn mid ku cusub Somaliland oo uu yahay wax hore u soo dhici jiray.
Muuse Biixi Cabdi oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Xanafta yar ee Siyaasadeed ee la leeyahay waa la kordhinayaa iyo la kordhin maayana wax weyn ma aha oo weligeed way jirtay, taasna Insha ALLAAHU anaga ayaa xallin doonna hadaanu xisbiyada nahay, haddii ay naga fogaato Culimada iyo ganacsatada ayaanu u yeedhan doonnaa iyo Salaadiinta oo waa intii aynu ku dhamayn jirnay, insha Allaahu idinkana (ganacsatada iyo salaadiinta) waanu idinka furan doonnaa haddii ay idin soo gaadhana, cid kale oo inoogu imanaysaana ma jirto oo wax ka weyn ayeynu xallin jirnaye dadweynuhu yaanay ka werwerine nabad ha ku seexdaan”
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu walaac ka muujiyey hadallada muddooyinkii u dambeeyey ka soo yeedhayey degmooyinka kala duwan ee caasimadda hargeysa, kuwaas oo mararka qaar u muuqda hab qabyaaladaysan, waxaanuu fariin u diray bulshada ku dhaqan Hargeysa “Beryahan reer Hargeysa caadooyin aan qurux badanayn ayaa ka soo baxay, Hargeysa waa magaalo keliya laba hargeysa ma jiraan, ma jirayso inay Hargeysa qaybina biyo hesho qaybina biyo waydo mar qudha ayey biyo wada helaysaa, beryahan dambe waxa soo baxday inay Hargeysa kala cabato, waxaan leeyahay Hargeysa waxa ay u baahan tahay in la isugu yimaaddo oo laga tashado oo la sameeyo guddi ogayaal ah oo ka shaqaysa Hargeysa Horumarkeeda iyo nabad geliyadeeda, haddii kale Hargeysa horumar gaadhi mayso” ayuu yidhi guddoomiye muuse Biixi Cabdi