Waa markii u horaysay ee booyada u dhaamiyaan dad 100 mtr u jira barkadda kaydka Hargeysa, halka xaafado kale oo aan ka durugsanayn Maansoor huteella biyaha lagu Waraabiyo
Haddaba iyadoo biyo la’aanta ka jirta magalada Hargeysa ay ka sii dareyso ayaa waxaa soo baxay Takoor ka jira qaybinta biyaha ee dadka kala dabaqadaha ah ee ku dhaqan Hargeysa.
Sidaa daraadeed shabakada Dhameys Media Group oo raadisay xaqiiqda ka jirta xaafadda kaydka biyaha, booqasho ka dib waxaanu la kulanay booyado biyo u dhaaminaya xaafad qiyaastii 200 meter xaga bari kaga beegan xarunta kaydka biyaha, iyadoo ay sheegeen in ay biyaha heli jireen (Biyaha Wakaaladd), laakiin hadda aanay sufur ka helin qasabadda, intaa ka dib waxaan waydiiyay oday Cabdi Muuse oo ah aabaha xaafadda booyaddo u dhaamineysay, sababta keentay biyo la’aanta noocan ah madaama ay biyo heli jiren, ayaa sheegay in aanay jirin biyo la’aan, hasa ahaatee laga xidhay, biyihiina meel kale looga leexiyey.
Sidoo kale, waxaa dadka xaafaddaasi sheegeen inuu jiro beeb cusub oo taga xafadaha Ganad ilaa Mansoor, kaas oo aan laba kantaroolin 24 saacadoodba socda, maadama oo ay dagan yihiin dadka ladan iyo masuuliyiinta dawladu sida ay dadkaasi sheegeen.
Sidaa si la mid ah waxaa si cadho leh ku yidhi mid ka mida dhalinyarada xaafadda “Gaadh ka hayn mayno biyo aanu ka ooman nahay”
Haddaba, mar aanu wax ka waydiinay masuuliyiinta Wakaaladda biyaha ee 26 juun isaguna xaqiijiyey inay jiran xaafado laga leexiyey biyihii ay heli jireen “Aniguba waan degganahay xaafadaha biyaha laga xidhay, sida xaafadda beerta Ina Kirix), oo booyad-baa ii dhaamisa, laakiin waxba kama qaban karo, waayo dadka Xaafaddu cid u hadashaa ma jirto, waayo waa danyar ku mashquulsan Bariiska” ayuu yidhi, Masuulkaasi ka tirsan waaxda degmada 26-ka June ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
DHAMAYS MEDIA