Hargeysa: Xaflad Kulmisay Masuuliyiin Qaran Oo Lagu Soo Dhaweeyey Aqoonyahan Qoraa Ah

0
47

wasiir Ku-xigeenka wasaaradda ciyaaraha oo qalab Ciyaareed kula wareegay Madasha

Hargeysa, (Hubaal)- Guddoomiyaha Ururka Somaliland Development Team (SDT) Mr. Maxamed Dhamac Xasan, kana mid ah aqoonyahanka qurba-joogga ah ee ku nool dalka Sweden, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa gelinkii dambe ee Axaddii dorraad.

dhamac4.jpgMasuuliyiin ka tirsan xukuumadda, xisbiyada mucaaridka ah, ururada bulshada, ardayda jaamacadaha iyo aqoonyahan kala duwan, ayaa ku soo dhaweeyey madaarka Hargeysa Mr. Maxamed Dhamac Xasan oo sidoo kale ka mid ah qorayaasha reer Somaliland.

Xaflad qayb ka ah soo-dhawayntiisa oo loogu qabtay hudheelka Maansoor ee Hargeysa, waxa ka qayb-galay Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Somaliland Md. Cabdikariin Maxamed Mooge, Wasiir-ku-xigeenka Ciyaaraha Md. Yuusuf Cismaan Garas, Agaasimaha SONYO Mr. Siciid Maxamed Axmed, Mr. Barkhad Jaamac Xirsi oo ka mid ah xisbiga WADDANI iyo xubno kala duwan.

Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Md. Cabdikariin Maxamed Mooge oo xafladaas hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday in loo baahan yahay Somaliland-ta hagaagsan ee quruxda badan, isagoo xusay in ay aqoonyahanka ku kulmeen socdaalkiisii Sweden oo uu uga soo baqoolay meel fog, taas oo ay hadalo isu weydaarsadeen munaasibadii, kadib sidaasna uu ku ogaaday in ay isku qaafiyad yihiin.

“Marka ay is helaan boqol qof oo Maxamed Dhamac oo kale ah ayey Somaliland wanaagsanaaneysaa, qiimaha aynu ku soo dhaweyneynaa ma aha mid aynu iska soo dhaweyno, laakiin waxa aynu ku soo dhaweyneynaa waa qof ka muuqda dalka uu joogo, isagoo dedaalkiisu ka muuqday inuu jecelyahay Somaliland qurux badan, qiimahaas ayaynu ku soo dhaweyneynaa, waxaynu doonaynaa inuu noqdo qofka inaga maqani qof guul ka soo hooya dalkaa uu joogo oo ku qurux badan, laakiin dooni mayno in ay noqdaan dadka Somaliland ka tagaa ee dibada ku maqan inay noqdaan dad liita.”

Waxa kale oo halkaas hadal ka jeediyey Wasiir-ku-xigeenka Ciyaaraha Somaliland Md. Cismaan Yuusuf Garas, ayaa sheegay inay aqoonyahanka la soo dhaweeyey ay ka guddoomeen kubbaddu badan oo uu ugu deeqay wasaaradiisa, kuwaasoo uu xusay inay yihiin kubbaddihii ugu dambeeyey ee lagu ciyaarayay ciyaarihii horyaalada Yurub.

Mr. Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga WADDANI oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xuso waxyaabaha wanaagsan ee dawladdu qabatay, waxyaabaha kale ee ka dhiman ama khaladka ahna loo tilmaamo si loo wada saxo. Waxa kaloo uu tilmaamay in aanay sax ahayn in khalad laga fahmo mucaaridnimada, balse mucaaridku yahay kuwo qayb ka ah dhismaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimaha Dallada Dhallinyarada ee SONYO Mr. Siciid Maxamed Axmed, Maxamed Cabdirisaaq Sheekh Yoonis (Timo), Maxamed Deeq Cumar, Sharma’arke Geelle Dacar, Huda Cali Banfas, Maxamed Deeq Cumar, Aadan Suldaan Cabdiraxmaan (Aadan Gacan), Axmed Shaqale iyo xubno kale oo xafladaas soo dhawaynta ah hadalo ka jeediyey, ayaa dhammaantood ammaanay aqoonyahanka qoraaga ah ee Maxamed Dhamac Xasan, kaasoo ay ku sifeeyeen inuu yahay shaqsi qiimo ku leh Somaliland.

Qoraaga Maxamed Dhamac Xasan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in aanu ku farxsaneyn in lagu tilmaamo qurba-joog, sababtoo ah, waxa uu sheegay in uu mar kasta ninka wax ku bartay dalkiisa hooyo uu ka qiimo badan yahay qurba-jooga.

“Dhallinyaradu way guulaysaneysaaye, aynu isku duubnaano walaalayaal, haddii maanta nin gaal ah la soo abaabulo waxa laga yaabaa in uu Madaxtooyadeenna si dhib yar ku galo oo layidhaa dhawaan ayuu wefti keenayaa, laakiin lagama yaabo in toban dhallinyar ah oo aqoonyahankeenna ah loo ogolaado si ay dalka wax ugu kordhiyaan. Xirsi (wasiirka madaxtooyada) waxaan ku idhi ciyaar ha moodina, waxa aydun arki doontaan mustaqbalka toban duuliye oo u dhashay Somaliland, ahna dhallinyaro muwaaddiniin ah oo diyaarado ka duulinaya madaarradeenna, waana in aynu dhawrno midnimada iyo wada jirkeenna,” ayuu yidhi Maxamed Dhamac Xasan.

Waxa kaloo xafladaas qayb ka ahayd qalab kala duwan oo kuwa ciyaaraha ah oo uu ku wareejiyey Wasiir-ku-xigeenka Ciyaaraha Somaliland, kuwaasoo isugu jira kubbado, buugaag, koobabka kubbadda cagta iyo qalab kale oo kala duwan.

source: Himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here